Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa jimchii shalay weerar dhaggo-gal ah u dhigay maleeshiyaad ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Jannaale iyo deggaanka Buufow.
Hawl-galkan ayay wararku tibaaxayaan in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dileen ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi la weeraray.
Xogta ayaa intaas ku dartay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerarkaasi kusoo furteen 2 qori oo AK47 ah, iyo booshashkoodii. Waxaana goobtaasi ku gubtay mooto ay maleeshiyaadku wateen.
Geesta kale waxaa jiray dagaal lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte oo khamiistii ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, laguna magacaabi jiray Geedi Yuusuf Barrow iyo dhaawaca 4 kale.
Dhinaca kale askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte oo magaciisa lagu sheegay Eeney Cusmaan Arbow, ayaa isku dhiibay xoogagga Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha hoose.
Askarigan oo la waraystay ayaa sheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyaadkii lagu soo tababaray dalka Eretriya, waxaanu ugu baaqay maleeshiyaadkii uu ka tirsanaan jiray inay isaga soo baxaan safka ihaannada iyo daba-dhilifnimada ee kooxda Villa Somaliya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: