Shirar looga doodayo sidii Itoobiya u xaqiijin lahayd Marin-badeed oo ka socda Addis Ababa.

Thursday May 22, 2025 - 12:34:26
Liibaan Jeexoow
Machad qaabilsan cilmi-baarista iyo talo-bixinta arrimaha dibadda oo hoostaga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa soo qaban-qaabiyey kulan ballaaran oo lagu gorfaynayo sidii marin-badeed ay u xaqiijin lahayd Itoobiya, kaas oo ka socda caasimadda Addis Ababa.
Kulankan ayaa sida ay la sheegay in diiradda lagu saarayo sidii loo qeexi lahaa fursadaha bannaan ee dowladda Xabashida Itoobiya ay ku hanan lahayd marin-badeed isla markaana uga gudbi lahayd caqabadaha ku hor-gudban iyo jihada ugu habboon, sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya.

Machadkan oo magaciisa loo soo gaabiyo IFA, ayaa goobtaasi ka shaaciyay in Itoobiya ay ka go’an tahay sidii ay u heli lahayd marin-badeed, iyadoo u maraysa iskaashi amni, wada-shaqayn iyo xiriir dhaqaale oo ay la yeelato dalalka gobolka.

Xogtu waxay sidoo kale tibaaxaysaa in hoggaamiyeyaasha hey’adaha maamulka Xabashida, kuwa dejinta siyaasadda iyo xeel-dheerayaal ku takhasustay arrimaha dibadda ay ka lafa-guri doonaan xiriirka dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya dalalka Gacanka iyo Geeska Afrika.

Kulankan oo hal-ku-dheg looga dhigay "Hagidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Amni ee Gacanka iyo Geeska Afrika: Fursadaha, Caqabadaha, iyo Jihooyinka Mustaqbalka.” ayaa agaasimaha machadkaasi oo lagu magacaabo Jafar Bedru oo shirkaasi furay uu sheegay in uu jiro jawi juqraafiyadeed oo si isa-soo taraaya iyo dariiqooyin mustaqbal oo lagu xaqiijin karo danaha Itoobiya.

Dowladda Xabashida Itoobiya weli waxay xusul-duub ugu jirtaa sidii ay u xaqiijin lahayd marin-badeed ay ka xayuubsato xeebaha Soomaaliya, taas oo si weyn u soo shaac-baxday bilawga 2024-kii, kolkaas oo ahayd markii Muuse Biixi, madaxii hore ee maamulka Somaliland uu qaybo ka mida Badda Soomaaliya u saxiixay R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.


FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences