Reysal Wasaaraha Dalka Jabbuuti Cabdulqaadir Kaamil ayaa markii ugu horreysay Somaliland u adeegsadey Jamhuuriyad si lamid ah sidii Dowladda Immaaraatka.
Dalka Jabbuuti ayaa qaab ka duwan sidii hore loogu soo dhaweyn jirey Somaliland ugu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan-Cirro oo saaka safar ku tagey dalkaasi Jabbuuti.
"Waxa sharaf ii ahayd in aan madaarka kaga hortago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo booqasho qaas ah ku yimid Jabbuuti” RW Jabbuuti
Somaliland ayaa 2sano ee ugu dambeeyay si ka duwan sidii hore dadaal dheer ugu jirta in ay hesho aqoonsi ay raadinaysay 34sano oo xiriir.
Dhaqdhaqaaqyada Somaliland ee sii kordhaya ayaa sababay in Dowladda Federaalku budget gaar ah miisaaniyadda u samayso sidii looga hortegi lahaa aqoonsi raadinta Somaliland.
MoU-gii sannadkii 2024 ee ina dhaafey doorashadii madaxtooyada ee ka dambaysay iyo safarkii Cirro uu ku tagey Immaaraatka isla markaana uu ka hadley fagaare weyn oo dowlado badani yimaaddeen ayaa keenay in si ka duwan sidii hore looga hadlo maamulka Somaliland
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: