Waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday qarax maanta lagu weeraray ciidamada Xabashida Itoobiya ee ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.
Hawl-galkan oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay, ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey ciidmada Xabashida Itoobiya.
Ilo-wareedyo aanu goor dhawayd helnay ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca 4 kale.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay xaaladdu ku xuntahay ciidamada Afrikaanta ee kusoo duullay Soomaaliya, isla markaana laga goostay dhaqaallihii la siin jiray.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: