32 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil baabuur oo ka dhacay Itoobiya.

Monday May 19, 2025 - 15:09:32
Liibaan Jeexoow
Khasaare culus oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed ayaa ka dhashay shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalo dhacda gobolka Benishangul Gumuz ee galbeedka dalka Itoobiya.
Shilkan gaari oo dhacay 18-ka bishan May, ayaa waxaa lasoo wariyay in ay ku nafwaayeen 19 qof oo Itoobiyaan ah, waxaana uu shilku si gaar ah kaga dhacay magaalada Giligil Beles ee ka tirsan gobolka Benishangul Gumuz.

Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya waxay sheegtay in shilka uu yimid ka dib markii gaari wayn oo nooca waddooyinka qoda uu ku dhacay hotel ku yaal magaalada Giligil Beles, sidoo kalena uu jiiray dad ku sugnaa aaggaasi.

19-ka xubnood ee shilkan ku dhintay waxay ka koobnaayeen 17 rag ah iyo 2 haween ah, marka numberka dhimasho laga soo tago, waxa sidoo kale shilka ku dhaawacmay ilaa 13 xubnood oo kale oo 11 ka mid ah ay rag yihiin, halka labada kalena lagu sheegay dumar.

Masuuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in shilka gaari uu sidoo kale dhaliyay khasaare hantiyeed oo ka badan 55.5 milyan oo lacagta birta ah ee Itoobiya, una dhiganta qiyaastii $970,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Sida laga soo xigtay hay’adda adeegga badbaadada waddooyinka Itoobiya ee magaceeda loo soo gaabiyo (RSIFS) sannad walba waxay Itoobiya diiwaan-gelisaa dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhasha shilalka gaadiidka.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa sanad walba ku dhinta shilalka baabuur, halka ay ku dhaawacmaan tiro ka badan 10,000, sida lagu sheegay xogta laga soo xigtay hay’adda dhacdooyinkaasi u qaabilsan Itoobiya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences