Waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey dagaalladii lagu jebiyey ee maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Xogta ayaa tibaaxaya in dhimashada maleeshiyaadku ay sii caga-cagaynayso 10 askari, halka dhaawacuna uu gaarayo 30 askari.
Dagaalladan maanta ayaa tiraba saddex jeer si xun loogu jebiyey maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya, kuwaas oo maydadkoodii kaga carareen isla goobta dagaalka.
Ku dhawaad 350 oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte uu xaabada ka dhigtay ayaa dhimasho dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalladii saddexda cisho ee usbuucan ka dhacay duleedka Moqokori.
Waxaa intaas dheer hub iyo saanad millateri oo tiro-beel ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay dagaalladaasi kusoo furteen.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: