Khasaaraha duqayntii Xalane + dagaallo maanta ka dhacay Moqokori iyo Daba-geed oo illinta ceshan kari waayay.

Wednesday May 21, 2025 - 13:47:26
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic ay dagaalyahannada Al-Shabaab maalinnimadii shalay ku garaaceen taliska ugu weyn shisheeyaha ee xerada Xalane ee magaallada Muqdisho.
Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa in ay si toos ah ugu hoobatay gudaha xerada Xalane, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay duqayntaasi.

Sida ay wararku tibaaxayaan madaafiicda ayaa haleeshay goobo ay ka mid yihiin guri ay deggennaayeen xubno caddaan ah iyo bakhaarka raashiinka askarta Uganda ee ilaalada u ah UN-ka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 xubnood oo isugu jira laba sarkaal oo caddaan ah iyo laba askari oo Yugaandhiis ah, halka 2 sarkaal oo kale oo caddaan ah ay iyaguna dhaawacmeen.

Xogta waxay intaasi ku daraysaa in 2 baabuur oo ay lahaayeen saraakiisha caddaanka ay basbeelleen, isla markaana booyad ay lahaayeen askarta Ugandha iyo bakhaarkii ay dhigan jireen raashinka ay dhammaantood burbureen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale madaafiicdaasi ay cuskadeen safaaradda Faransiiska ee ku taalla gudaha xerada, waxaana la sheegaya in uu jiro bubur xooggan oo gaaray dhismaha safaaraddaasi.

Gobolka Hiiraan, waxaa maanta mar kale dib uga qarxay dagaallo tiraba dhowr jeer lagu jebiyay maleeshiyaadka Gurguurte oo ka dhacay duleedka degmada Moqokori.

Sida ay wararku tibaaxayaan waxaa jira khasaare culus oo weli tirakoobkooda aanaan sugin oo dagaalladaasi maanta dhacay lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.

Dagaalladan ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ee usbuucan gudihiisa maleeshiyaadkan la gaarsiiyey khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac tirakoobkoodu ku dhow yahay 350 askari, kuwaas oo uu xaabo ka dhigtay Gurguurte.

"Taliye Xujaale dad badan baa la dhintay saddexdii cisho ee lasoo dhaafay, oo haddaan tiradooda sheego laga yaabo in la aamini waayo….” Sidaas waxaa yiri M/weyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba-geed oo ka argagaxay mayadadka tiro-beelka ah ee maleeshiyaadkaasi looga laayay dagaalladaasi.

Yuusuf Daba-geed oo illinta ceshan kari waayay ayaa ku baaqay in haraadiga maleeshiyaadka laga saaro furimaha dagaalka, haddii xaalku uu sidaasi kusii socdo, mar uu maanta ka hadlayay goob lagu aasayay Taliye Xujaale oo ka mid ahaa saraakiishii lagu laayay dagaalladaasi ee dhegta dhiigga ay u dareen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences