Mareykanka oo war ka soo saarey xayiraad ay Soomaaliya ku soo rogtay baasaboorka Taiwan.

Saturday May 03, 2025 - 15:21:10
Liibaan Jeexoow
Mareykanka ayaa war ka soo saarey xayiraaddii dhawaan ay Soomaaliya saartey Baasaaboorka Tawyaan in dalkeeda lagu yimaaddo.
Xubno ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad u direy Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka taas oo ay ku dalbanayaan in Soomaaliya ka noqoto xannibaadda passport-ka Taiwan.

Xubnahan ayaa gaarsiiyey Safiir Daahir Xasan in go’aanka Soomaaliya uu u hiillinayo ama taageerayo Shiinaha.

Mareykanka ayaa ku hanjabey in tan ay ka dhalan doonto cawaaqib aargoosi oo aan wanaagsanayn taas oo sababi karta in dadka haysta Baasaboor Soomaaliga laga cayrin doona Mareykanka.

"Haddii Dowladda Soomaaliya ku adkeysato in ay u dhaqanto sidii laan kamid ah Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ma jirto sabab Mareykanku u aqoonsanaado” ayaa lagu yiri qoraalka loo direy safiirka

Xayiraadda Soomaaliya ee Taiwan ayaa ka dambaysay ka dib markii Taiwan taageero u muujisay maamulka ay isku midka yihiin ee Somaliland.

Geesta kale Taiwan waxay haysataa heshiis difaac oo Mareykanku ansixiyay 2020 kaas oo dhigayey in tallaabo laga qaado cidkasta oo ka hor timaadda danaha Taywaan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences