Wasaaradda Macdanta maamulka Somaliland ayaa wareegto ku joojisay carrada dhismaha ee loo dhoofiyo dalka Jabbuuti.
Ciiddan oo loo yaqaanno Niis ayaa laga rari jirey magaalada Seylac ee ka tirsan Gobolka Awdal.
Carradan oo Jabbuuti loo dhoofin jirey in muddo ah ayaan Somaliland sheegin waxa ay u hakisay.
Dhanka kale Jabbuuti kama ay hadlin waxa se jira in dhawaan dalka Jabbuuti uu ka degay Madaxweynaha Masar Al Siisi kaas oo kulan la yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle taas oo falanqeeyayaasha siyaasaddu ay sheegayaan in ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed taas oo laga yaabo in ay ka hor imanayso sida SL wax u dooneyso.
Somaliland muddo 34 sano ah waxa ay raadinaysay aqoonsi halka dalalka la jaarka ahi aaney taa oggoleyn.
Geesta kale dadka deegaanka ee Seylac ayaa sida lagu soo warramayo muddoba ka cabanayey xaalufinta lagu hayo carrada taas oo keeni karta nabaad guur.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: