DEG-DEG: Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Wednesday April 16, 2025 - 10:57:36
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhawayd dagaalyahannad Al-Shabaab ay la wareegeen deggaanka Yasooman oo hoos-taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa si nabad-gelya ah kula wareegey deggaanka, kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay habeennimadii xalay halkaasi isaga firxadeen.

Deggaanka Yasooman waxa uu u dhow yahay deggaanka Aboorreey oo duleedkeeda ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaallo si weyn loogu jabiyey maleeshiyaadka DF Somaliya.

Waxaa xusid mudan in deggaanka u dhaxeeya Aboorreey ilaa Yasooman si dhamaystiran looga sifeeyey maleeshiyaadkii huwanta ee DF Somaliya.

Maleeshiyaadkii ku sugnaa Yasooman iyo duleedka Aboorreey ayaa lagu soo warramayaa inay u firxaddeen dhinaca Buuloburde.

Lasoco wixii warar ah ee soo kordha insha Allaah…..


Related Items

Update cookies preferences