Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Somaliland ayaa booqashadii ugu horraysay ku tagay wadanka Kenya tan iyo markii Cirro loo doortay hoggaamiyaha Somaliland.
Saacado yar kadib markii uu Cirro tegay magaalada Nairobi ayay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya soo saartay Warsaxaafadeed ay ku sheegayso in ay aqoonsi kusiinayso maamullada Somaliland iyo Jubbaland.
Tallaabadan oo umuuqata in Kenya ay sare ugu qaadayso xiriirka kala dhaxeeyo maamullada ku kacsan DF-ka ayaa banaanka soo dhigaysa sida gummeystayaasha Afrikaanta ay uxoojinayaan siyaasadooda gummeysi ee Qeybi oo xukun.
"Annaga oo ilaalinaya midnimada Soomaaliya haddana waxaannu xiriir la samaynaynaa Somaliland iyo Jubaland oo annu la wadaagno dano amni iyo mid ganacsi" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaararadda Arrimaha Dibadda Kenya.
Sidoo kale xukuumadda Nairobi waxay sheegtay in ay diblumaasiyiin geynayso magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa, sanaddii lasoo dhaafay ayay dowladda Kenya qaadday tallaab tan lamid ah arrinkaas oo ka caraysay xukuumadda taakta daran ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa qunsuliyado ku leh magaalooyinka ay ka arrimiyaan maamullada Puntland,Somaliland iyo Jubbaland waxaana deegaannadaas ku sugan askar iyo saraakiil si toos ah uga amar qaata dowladahooda.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: