Aqalka senate-ka Maraykanka oo soo bandhigay xeer lagu xannibayo maal-gelinta AUSSOM iyo Danab.

Tuesday June 03, 2025 - 11:00:44
Liibaan Jeexoow
Waxaa mar kale mugdi sii galay dhaqaalo la'aantii ku habsatay ciidamada midowga Afrika ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya, kadib markii aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanku uu soo jeediyey hindise-sharciyeed lagu xannibaayo lacagahii uu Maraykanku ku bixin jiray hawl-galka AUSSOM iyo weliba calooshood-u-shaqaystayaasha Danab.
Xildhibaanno uu hor-kacayo Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka, ayaa maalinnimadii shalay soo bandhigay hindise lagu xannibayo maal-gelintii ay dawladda Maraykanku la barbar-taagnaan jirtay calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta AUSSOM iyo maleeshiyaadkii ay ku adeegan jireen ee Danab.

Hindisahan ayaa lagu sheegay in looga gol-leeyahay sidii loo ilaalin lahaa lacagaha cashuur-bixiyeyaasha Maraykanka, isla markaana loola xisaabtami lahaa waxa loogu yeero Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee duullaanka ka wada dalka Soomaaliya, sida lagu baahiyey Mareegta rasmiga ah ee Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka.

Senator Jim Risch oo ah guddoomiyaha guddida Xiriirka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka ayaa si cad oo aan leex-leexad lahayn u sheegay in mar dambe aanay ogolaanayn inay ku kaliyeystaan culayskii muddada badan saarnaa ee maal-gelinta hawl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya. Waxaanu yiri isagoo arrintan ka hadlaya:

"Qaramada Midoobay iyo saaxiibbadeenna Yurub waxay isku dayayaan inay ka dhuuntaan waajibaadkooda maaliyadeed ee taageerada Midowga Afrika ee hawlgalka AUSSOM, iyaga oo doonaya in loo beddelo hannaan maalgelin cusub oo aan sinnayn, taasoo culayska saaraysa Mareykanka. mana ogolaan karno taas.”

Guddoomiyahu waxa uu intaas raaciyey in hindisahani yahay mid mamnuucaya in Mareykanku bixiyo wax maal-gelin ah oo loo maro hannaankan cusub, si looga fogaado ayuu yiri in Mareykanka si joogto ah loogu qasbo inuu maal-geliyo nidaam aan shaqaynayn.

Senator Ted Cruz oo sidoo kale ka mida xildhibaannada hindisan soo jeediyey ayaa xaqiijiyey in xeerkani uu yahay mid ilaalinaya lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka, kana hor-tagaya in lacagahaasi loo adeegsado si aan u adeegayn danaha ammaanka Maraykanka. Isagoo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo meel-mariyo hindisahaasi.

Guddiga Aqalka Senate-ka Mareykanka u qaabilsan Arrimaha dibadda waxay bartooda X, ku sheegeen in taageeradii uu Maraykanku siin jirau maleeshiyaadka Danab, uu joojiyey kadib markii kooxda riddadu ay musuqmaasuqday raashin iyo sahay loo qoondeeyey calooshood-u-shaqaystayaasha Danab. Waxaanay hoosta ka xariiqeen in mar dambe aanay ogolaan doonin in lacagta Canshuur bixiyeyaasha Mareykanka lagu sii maal-geliyo musuqmaasuq.

Senator Rick Scott oo isna ka mida xubnaha ugu cad-cad ee hormoodka ka ah xeerkan lagu xannibayo maal-gelinta calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ayaa yiri: "Mareykanku ma ogolaanayo in lacagaha canshuur-bixiyeyaashiisu ay ku baaba’aan gacanta Qaramada Midoobay iyadoo saaxiibbadeennu ay diidayaan in aanay bixin waajibaadkooda maaliyadeed”.

Sidoo kale xildhibaankani waxa uu ka dhawaajiyey in la musuqmaasuqay lacagahii lagu bixin jiray hawl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya. Isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in qayb uu ka yahay xildhibaannada soo gudbiyey xeerkan lagu soo afjaryo maal-gelintaasi.

Qorshahan cusub ee uu soo bandhigay golaha senate-ka Maraykanka ayaa god madow kusii ridaya dhaqaale la’aantii ay horeyba ula tiicayeen isbahaysiga afrikaanta AUSSOM, Waxaanu kusoo aadayaa xilli calooshood-u-shaqaystayaasha iyo daba-dhilifyadoodu ay bilaabeen inay ka insixaabaan furimaha dagaalka, jihaadiyiintuna dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda, Raayada Towxiidkana ay ka taageen dhul aad u ballaaran.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences