Cabsi dagaal oo kasoo cusboonaatay xuduudda Itoobiya iyo Eratariya.

Monday June 02, 2025 - 12:04:57
Liibaan Jeexoow
Xiisad cusub ayaa ka aloosan xuduudda Itoobiya iyo Eritrea, kaddib markii muuqaal cusub oo la helay uu muujiyey ciidamo fara badan oo labada dal ka kala socda oo isugu ururaya degaana istaraatiiji ah oo ku yaala xadka dalalkaas.
Muuqaalada ayaa wuxay muujinayaan kolonyo gaadiid ciidan ah iyo askar si buuxda u hubaysan, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka kuna beertay walaac laga qabo in dagaal hor leh uu qarxo.

Wararka ay qorayaan qar ka mid ah warbaahinta dalka itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Eritrea ay si weyn u xoojisay joogitaankeeda milatari ee meelaha u dhow magaalooyinka Bure iyo Zalambessa.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa iyaguna si xooggan usoo buuxdhaafiyay gudaha gobolka Tigray iyo dhanka xadka gobolka caffarta.

Inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo labada dhinac kasoo baxay, haddana falanqeeyayaasha arrimaha labada dal ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in xiisaddan ay tahay mid si dag dag ah loo filan karo inay dhaliso dagaal culus oo qarxa.

Heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray sanadkii 2022 ayaa hadda u muuqda mid wiiqmaya, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaanayo.

Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u raadinaysa marin badeed rasmi ah, waxaana ay heshiis la gashay Somaliland, arrintaas Erateriya u aragto mid khatar ku ah danaha baddeeda iyo amniga qarankeeda.

Waxaa laga digayaa in isu-urursiga ciidamadu aysan ku ekaan oo keliya muuqaallo cadaadis ah, balse ay u gudbi karto dagaal dhab ah haddii aan si degdeg ah loo xallin.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences