Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa goordhaweyd sheegay in xiisadda Bariga Dhexe ay macquul tahay in ay ka sii darto sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa ku sugan dalka Kazakhstan ee Aasiyada Dhexe halkaas oo uu kulan kula lahaa madaxweynaha dalkaas.
Xi Jinping ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay dajiyaan xaaladda si looga feejignaado colaad horleh.
Xaaladda colaadeed ee Iiraan iyo Yuhuudda ayaa bilaabantay fajarkii maalintii Jumcada.
Shiinaha ayaa taxaaluf la leh Iiraan laakiin waxa uu iska dhowrayaa in uu ka soo ag muuqdo maaddaama oo aanay dantiisu ku jirin sida falanqeeyayaasha u dhuun daloola arrimaha Bariga Dhexe ku warramayaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: