Weerarradii ay jihaadiyiintu ka fuliyeen maalmihii u dambeeyey gudaha magaallada Muqdisho kuna beegsadeen madaxtoyada Villa Somaliya iyo Xerada Xalane ayaa anfariir iyo cabsi xooggan ku abuuray kooxda Villa Soomaaliya iyo weliba shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in madaxa kooxdaasi Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay kulan degdeg ah isugu yeeray madaxda DF Somaliya iyo saraakiishii ugu muhiimsan ee u qaabilsan hey’adaha amniga, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Xasan Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in isagoo aad u caraysan uu kulan fool-ka-fool ah la yeeshay mas’uuliyiintii iyo saraakiishii amniga ee uu isugu yeeray, isla markaana uu ku karbaashay su’aalo adag oo la xiriira ammaanka faraha kasii baxaya ee kooxda Villa Soomaaliya.
Su’aalaha uu Gurguurte hor-dhigay saraakiishaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid ahayd sababta ay uga hor-tegi waayeen weerarrada ay Jihaadiyiinta Al-Shabaab dharaarta cad ka fulinayaan gudaha magaallada Muqdisho iyagoo beegsanaya xarumaha dawladda, sida madaxtooyada Villa Somaliya.
Waxa kale oo Gurguurte ku muusanaabay isagoo la hadlaaya saraakiishaasi waydiin ahayd, haddii aad weerarradaasi ka hor-tagi kari waydeen, maxaad u ogaan waydeen jihadii uu weerarku ka yimid iyo jihaadiyiintii fuliyey?.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Gurguurte uu sidoo kale saraakiisha amniga ku canaantay isla markaana ku hurgufay su’aalo badan oo ku saabsan sababta ay ku waayeen xogta magaallo ay 24-ka saac ka shaqeeyaan galaangalka ay bulshada ku dhex leeyihiin.
Madaxa Villa Somaliya ayay wararku tibaaxayaan in saraakiishii amniga ee uu halkaasi isugu keenay uu ugu goodiyey inuu si adag ula xisaabtami doono, isla markaana baaritaan, xabsi iyo xil-ka-qaadis ay wajihi doonaan haddii hoobiye dambe kusoo dhaco Villa Somaliya.
Caga-juglayntan Gurguurte uu kula dul-dhacay saraakiishiisa amniga ayaa timi kadib markii Jihaadiyiintu ay maalmihii u dambeeyey weerarro duqayn ah ay dharaar cad ka fuliyeen gudaha Muqdisho, kuna beegsadeen madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane oo ah goobta ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha kusoo duullay dalka Soomaaliya.
Hawl-galladan oo khasaare laxaad leh geystay kuna bakhtiyeen kuffaar caddaan ah, ayaa waxaa baraha bulshada aad ugu faafay, hadal-hayn badanna dhaliyey muuqaallo ay mujaahidiintu iska duubeen markii ay weerarradaasi ka fulinayeen gudaha magaallada Muqidisho.