SAWIRRO: Qaabkii Al-Shabaab ula wareegtay Guullane + Weerar ka dhacay duleedka Baydhabo.

Saturday March 22, 2025 - 08:30:03
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya weerar ay xoogagga Al-Shabaab la beegsadeen maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Maleeshiyaadka ayaa la weeraray xilli shalay ay isku dayeen in ay dhaqdahqaaq ka sameeyaan agagaarka xero ay deggen yihiin oo la dhaho Makuudo oo ku taal duleedka Baydhabo.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Laftagareen lagu dilay weerarkaasi, 12 kalena lagu dhaawacay.

Geesta kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirro muujinaya qaabkii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ula wareegeen deggaanka Guullane oo hoos-taga magaallada Aadan Yabaal.

Deggaanka oo haatan uu ka babanaayo Raayada Tawxiidka ayay xoogagga Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu dhigeen kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay khamiistii isaga firxadeen.

Si aad u hesho warar hufan oo degdeg ah kusoo biir channel-ka SOMALIMEMO: https://t.me/+5ZpLcbeNle05MDFk

Related Items

Update cookies preferences