Itoobiya oo ku celisay in marnaba aanay ka tanaasulayn doonista marin ay ka hesho Badda Cas.

Thursday March 27, 2025 - 11:35:45
Liibaan Jeexoow
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ninka lagu magacaabo Nebiat Getachew ayaa si rasmiya u shaaciyey in marnaba aanay ka tanaasulin damacoodii ay ku doonayeen inay ku xayuubsadaan marin-badeed ay ka helaan xeebaha Badda Cas.
Getachew wuxuu sheegay in marin-badeedka ay rabaan uu yahay mid waligiisba jiri doona oo la isku hallayn karo, isagoo xusay in baadi-goobka arrintaasina ay si weyn uga dhex muuqanayso dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyadeed ee dalka.

Habka ay Itoobiya ku hanan karto marin-badeedkaasi ayuu faahfaahin ka bixiyey afhayeenku waxaanu ka dhawaajiyey inay u marayaan dedaallo diblumaasiyadeed oo ku salaysan mabda’a wax-siinta iyo qaadashada.

Nooca marin-badeed ee ay rabaan, ayuu sidoo kale tilmaamay inuu yahay, mid ay doonayaan in loogu deeqo, isagoo geesta kalena carabaabay in damacaasi ay ka siman yihiin bulshada Itoobiya kuna raadinayaan marin waara oo ammaan ah.

"Baadi-goobka marin-biyoodka Itoobiya waayadan dambe waxay noqotay arrin laga walaaco maadaama qaranku u baahan yahay deked waarta oo sugan oo laga soo galo Badda." Ayuu yiri Afayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.

Getachew ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya in doonista marin-badeedku uu yahay mid ka go’an oo ay ku adkaysanayaan isla markaana ay sii xoojinayaan dedaallada lagu xaqiijinayo hir-gelinta damacaasi gurracan.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa khamiistii lasoo dhaafay baarlamaankiisa u xaqiijiyay in damacooda Badeed uu yahay mid jira oo xaqiiq ah, kuna gorgortamayaan mabda'a wax-siinta iyo qaadashada, taas oo salka ku haysa odhaahdii uu horey u jeediyey ee xoog ama xeelad mid uun baanu marin-badeedkaasi ku heli doonaa.

Dalalka Eritrea iyo Masar oo samaystay isbahaysi ka dhan ah Itoobiya ayaa bayaan ay wada-jir u soo saareen maalmo ka hor waxay si adag uga hor yimaaddeen in dalalka aan xeebaha lahayn ay door ku yeeshaan ammaanka Badda Cas.

Damaca Itoobiya ayaa si rasmiya u soo shaac-baxay bilawga sannadkii hore ee 2024 kadib markii heshiis xaaraan ah oo Itoobiya loogu saxiixay qaadashada qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliya ay wada galeen Abiy Axmed iyo madaxii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Related Items

Update cookies preferences