Maamulka aan wali la aqoonsan ee Taiwan ayaa sheegay in uu deeq waxbarasho siinayo qaar kamid ah askarta maamulka la baxay Somaliland.
Kulan ay wada yeesheen safiirka Somaliland ee Taiwan iyo Madaxweynaha maamulkaas ee Cirro ayaa lagaga wada hadlay xubnaha la siiyey tobabarka ee aadi doona Taipei.
Shirkan ayaa waxa sidoo kale ka qayb galey labada taliye ee "Booliska iyo Milateriga Somaliland”.
Taiwan oo Somaliland xiriir la lahayd tan iyo wixii ka dambeeyay 2020 ayaa Somaliland siisay lacago malaayiin ah oo ay ku maalgelisay doorashooyinka maamulkaas iyo dhanka adeegyada bulshada.
Taiwan waxa ay Guddida Doorashada ee SL siisay 2milyan oo doolar xilligii lagu jirey tartankii doorashada ee Muuse, Cirro iyo Faysal ku tartamayeen sannadkii ina dhaafey.
Waxa sidoo kale ay $22milyan ugu deeqeen dhiska xarun caafimaad oo la sheegay in loo bixin doono Taiwan Hospital.
Maamulka Taiwan ee gooni-goosadka ah ayaa tan iyo qarnigii tagey raadinayey madaxbannaani rasmi ah oo ay ka hesho Dowladda Shiinaha oo ay sharci ahaan qayb ka tahay laakiin wali ma ay helin ictiraaf duwali ah.