Xildhibaanno loo diidday inay u safraan Kismaayo oo eedayn culus u jeediyey Xasan Gurguurte.

Wednesday February 26, 2025 - 12:14:34
Liibaan Jeexoow
Waxaa marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhex aloosan kooxda Villa Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte iyo maamulka uu gar-wadeenka ka yahay Axmed-madoobe ee Jubbaland.
Xildhibaanno golaha baarlamanka ee DF Somaliya ku metela maamulka Jubbaland ayaa shalay laga celiyey garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle, sida ay ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaallada Muqdisho.

Xildhibaanada kala ah Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Cumar Yuusuf Qaladiid ayaa gabi ahaanba laga hor-joogsaday safar ay rabeen inay ugu baxaan magaallada Kismaayo.

Xildhibaannada ayaa ka dhawaajiyay in markii ay tageen garoonka diyaaradaha loo sheegay in iyaga iyo guud ahaan xildhibaannada kasoo jeeda deggaannada Jubbaland ay xayiran yihiin oo aanay u dhoofi karin magaallada Kismaayo.

Waxa ay sheegeen in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo shicibka madaxda Jubbaland isla markaana xabsi lagu dhibaateeyo oo iyaga u gaar ah looga furay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde.

Tallaabadan oo xildhaannadanu ku tilmaameen xad-gudub iyo caburin ayaa waxay ku eedeeyeen Xasan Gurguurte oo ay sheegeen in haatan uu lasoo baxay wajigiisii dhabta ah.

Khilaafkan ka dhaxeeya maamulladan daba-dhilifyada ah oo salka ku haya doorashooyinka ayaa sii xoogaystay kadib markii kooxda Xasan Gurguurte looga itaal-roonaaday isku-dayyo millateri iyo mid siyaasadeed oo ka dhan ah Axmed-madoobe iyo maamulkiisa Jubbaland.

Related Items

Update cookies preferences