29 October, 2023, Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay Tiyaatarka Qaranka ku haaraamay culimada Soomaaliyeed isagoo ku eedeeyey ineysan ka qeyb qaadan dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro xoogaga mayalka adag ee Al-Shabaab ee ka taliya qeybo kamid ah Soomaaliya.
Xamse wuxuu hadal jeedintiisa ku sheegay in culimada iyo bulshada Muqdisho ay dagaalka ku cidleeyeen xukuumadda, marka laga reebo dad uu ku tilmaamay shaqsiyaad aad u tiro yar oo isugu jira wadaado, haween, iyo dhallinyaro, kuwaasoo muddo dheer cayda iyo caraantanka ka dhanka ah mintidiinta kasoo afuufayay xarumaha dowladda.
Wuxuu xusay iney jiraan culimo badan oo dadka Masaajidda uga muxaadareeya, jimcaha u khudbeeya, imaam iyo hormuudna ah laakiin aanan eray qura ka sheegeyn Al-Shabaab, culimadaas oo uu ku sifeeyay kuwa buunbuuninaya waxyaabo meelo kale ka dhacaya oo uu ula jeedo dagaalka ka socda Falastiin ee u dhaxeeya Muslimiinta iyo Yahuuda.
Mar waxa uu su’aal ka keenay in culimadu yihiin kuwa xaqa qarinaya, markalena wuxuu isweydiiyay iney si kale u arkaan dowladda, marka ugu dambeysana wuxuu ku shaabadeeyay rag nugul oo baqaya, kadib waxa uu ka dalbaday iney guryahooda aadaan oo Masaajidda u banneeyaan culimo kale oo uu ku sheegay iney hadlayaan.
Marka ay halkaas joogto wuxuu Xamze ka digay inay culimadu dhaxdhaxaad ka noqdaan dhinacyada is haya ee dagaalku ka dhaxeeyo, wuxuuna ku goodiyay inuu jiro qorshe ay wadaan oo ay ku diidayaan sida ay hadda culimadu u nooshahay oo uu qaab ahaan lamid dhigay iney la noolyihiin Al-Shabaab! Kani waa war cad oo culimada lagu oranayo"annaga ayaad nala jirtaa ama kuwa naga soo horjeeda”
Maxaa Xilligan Kusoo Beegay Weerarka Afka Ah ee Lagu Qaaday Culimada?
Marka laga yimaado goodiga ka dhanka ah culimada ee kasoo baxay madaxa xukuumadda, waxaa jirta xog aan ka helayo siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo aan halkan ku qori karin magacyadooda sababo ammaan dartood, kuwaas oo ii xaqiijiyay halis aan la dhayalsan karin oo kusoo wajahan culimada Soomaaliyeed.
Cagajugleynta Xamza waa mid kasoo hormartay xilligeedii iyo goobteedii, waxay ahayd haddiiba loo goodinayo wadaadada in lala eegto dhammaadka qorshaha socda ee uu ra’iisulwasaaruhu sheegay, hase ahaatee waxaa kahor dhicidda u sabab ah qoraal dowladda kasoo gaaray xerada Xalane oo looga dalbaday iney xakameyso muxaadarooyinka iyo khudbadaha ay culimadu kaga hadlayaan arrinta reer Falastiin.
Dhab ahaantii iyadoo ay jirtay in dowladdu gabtay kaalin ay lahayd oo ah iney si heer madaxweyne ah uga hadasho gumaadka iyo xadgudubka ay Yahuudu ku hayso walaalaheen reer Falastiin, ayaa waxay kusii darsanaysaa iney hor istaagto culimada iyo ducaada sida iskood ah ugu istaagay arrintan, iyadoo ku raaligelineysa saaxiibada beesha caalamka oo ay Mareykanka iyo Israel ugu horreeyaan.
Ra’iisulwasaaruhu waxa todobaadkan dowladda Turkiga u diray muuqaal hambalyo ah oo uu kala qeyb qaadanayo dabaaldagga boqol guuradii kasoo wareegatay aasaaska dowladdaas oo ku aadanayd xilli xasuus murugo badan leh oo la dumiyay khilaafadii ugu dambeysay ee Muslimiinta. Waxa uu ag istaagay calanka Turkiga, waxaana isagoo khushuucsan loo garaacay astaanta muusikada calanka Turkiga.
Markaan arkay muuqaalkaas waxaa igu soo dhacday su’aal uu Xamse qudhiisa weydiinayay culimada kuna muujinayay ineysan marnaba ka hadlin waxyaabaha muhiimadda leh, markaas ayaan aniguna is iri, ra’iisulwasaaraha iyo culimada kee gardaran? ma in laga hadlo gumaadka Qaza ayaa muhiimadda koowaad leh, mise dabaaldegga boqol guurada Turkiga ayaa mudnaanta leh?
Annagaad Nala Jirtaa Ama Kuwa Naga Soo Horjeeda Ayaad La Jirtaa?
Kadib markii 2001dii Mareykanka laga qarxiyay daarihii dhaadheeraa lagana lugmeersaday sirdoonkiisii kibirka badnaa ee ku faani jiray inuu wax walba arko ayuu madaxweynihii xilligaas Bush ku dhawaaqay erayo caan noqday oo ah - Either you are with us, or you are with the terrorist- (ama annagaad nala jireysaan, ama argaggixisadaad la jireysaan).
Warkan wuxuu saameyn ku yeeshay dad badan oo dhab ahaantii ka baqay in Mareykanku adduunyada ku cadaabo ka hor inta aan la gaarin aakhiro, sidaa darteed waxay go’aansadeen iney la saftaan oo colleystaan wixii ay reergalbeedku colaadiyaan illaa arrintu gaartay in culimadii Al-walaa walbaraa ka hadli jirtay ay dhankaas kasoo jeestaan.
Maanta waxaa nasiib darro ah in Xamse uu sidii Bush laba farood u taago culimada reer Muqdisho isagoo ku qasbaya iney ku biiraan isbahaysiga Africom, Nato, Atmis, Eu iyo xukuumadiisa. Laakiin dhanka kale waxaa nasiib wanaag ah in xilligan aanu ahayn 2001 goortaas oo wadaadadu la’aayeen meel ay ciirsadaan lagana iibsan jiray CIA, hadda waa 2023, Soomaaliyana waxaa dhulka ugu badan maamula wadaado.
Anigu kama xumi laba rag ah oo dagaal ka dhaxeeyo iney is dilaan ama isu goodiyaan, balse waxaan qoonsaday in dad birimageedo ah la daandaansado kuwaasoo kol hore loo diiday iney si buuxda u inkiraan munkarka iyo macaasida faraha badan ee lagu soo sii daayay magaalada Muqdisho. Xamsa gar u noqon meyso doodiisa ah ineysan dowladdu heysan culimo dagaalka la gasha in yar oo daashay mooyaane, waxaan leeyahay baaritaan sax ah ku samee sababta uu isbahaysiga Africom taageero uga waayay culimada, haddii ay kugu adag tahayna ka akhri daraasaadka ay ka qoreen mu’asasaadka reergalbeedka sida Rand.
Dagaalkan "argagixiso la dirirka” ee uu calanka u sido Mareykanka ma billaaban maanta, muddo dheer ayuu ka socdaa Soomaaliya, su’aashu waxay tahay halkee buu jiray Xamse Cabdi Barre, intuu dhintay miyuu soo noolaaday? Maya. Xamse wuxuu kamid ahaa urur diimeed, markii uu baraha ka ahaa mid kamid ah jaamacadaha Muqdisho wuxuu ardayda kala dagaalami jiray iney wax ka sheegaan Al-Shabaab.
Sida uu iigu warramay saaxiibkey Cali Baashi oo goortaas kamid ahaa ardayda, waxaa jira halheys caan ah oo uu lahaa Xamse kaasoo ahaa "ka fiirso meesha aad dhigi tallaabtaada” wuxuu aad uga digi jiray in bahda waxbarashadu taageeraan dowladda islamarkaana naftooda halis geliyaan, waxaase wax lala yaabo ah in maanta uu culimadii diinta ku qasbayo wixii uu isagu diidi jiray shalay kadib markii uu helay Kaare lagu ilaaliyo iyo ciidamo shisheeye oo hoygiisa ku hareereysan.
Dagaalkii Fakarka Ahaa Miyaa Dowladda Looga Guuleystay?
Madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu bartamihii sannadkii lasoo dhaafay dalka Mareykanka kaga dhawaaqay inuu kooxda asal-raaca ah ee Al-Shabaab ku qaadayo dagaal saddex dhinac ah oo kala ah, milatari, dhaqaale iyo mid dhanka fakarka ah.
Dagaalkii milatariga dowladda waa looga guuleystay sida ay ku cadeysay warqaddii ay u dirtay Qaramada Midoobay ee ay ku dalbanaysay dib u dhigista wejiga labaad ee bixitaanka ciidamada Atmis, kan dhaqaalaha ma muuqato saameyn uu Al-Shabaab ku yeeshay maxaa yeelay waxba iskama badalin hawl maalmeedkooda iyo dagaaladooda, dhanka fakarkana Ra’iisulwasaaraha ayaa caddeeayay natiijadiisa.
Xamse waxa uu si cad u sheegay ineysan heysan culimo marka laga reebo shaqsiyaad uu ka magacaabay Cabdulqaadir Soomow oo ah wadaadkii difaacay gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin oo ah haweeneydii keentay xeerka qowmuluudka. Waa runtiis wadaadaha DF waxay noqdeen tuke cambaaru ku taallo, hadaladooda markaad dhageysato waxaa 5 daqiiqaba kaaga soo baxaya 10 su’aal, warkaas oo kalana malahan qaab ay dadku u fahmaan.
Todobaadkii lasoo dhaafay waxaan daawanayey wareysi uu bixiyay mid aan Ingiriiska ku arki jiray oo la yiraahdo Cabdiqani kaasoo ka hadlayay dagaalka fikriga ah ee ay Al-Shabaab kula jiraan, ninkaas aad baan ula yaabay, marka ugu horreysa 12 daqiiqo oo bilaa su’aal ah ayuu u khudbeynayay wariyihii wareysanayey, waxaad warkiisa kala dhax baxaysaa inuusan wax tixgelin ah u heynin cilmiga sharciga, waayo markii la weydiiyay taariikh nololeedkiisa wuxuu ku xabeebtay inuu ku noolaa Ingiriiska, inuu bartay dhismaha guryaha, dhaqaalaha iyo ganacsiga, marnaba ma uusan sheegin inuu diinta islaamka wax ka bartay.
Ninkaas oo u muuqday mid isku bandhigaya hay’adaha reergalbeedka ee wax ka qora ururada jihaadka si ay shaqo u siiyaan ayaa ku faanay inuu halmar Muqdisho ku arkay Sheekh Abuu Zubeyr xilligii maxaakimta weliba si kedis ah, wuxuu xusay in Xarakadu ay ahayd mid sirri ah oo ay adagtahay in xogteeda la ogaado, haddana wuxuu sheegay inuu xog milatari oo xasaasi ah ka helay Sheekh Abu Zubeyr oo ay kedis isku arkeen iyagoon horey isku garanayn!.
Markii bulsahdu ninkaas iyo kuwa ka waaweyn wax ka dhageysan weysay waxay dowaddu kusoo jeesatay culimadii muruu’ada iyo xishoodka lahaa si ay kuwaas oo kale uga dhigto. Dowladdu waxay dooneysaa in ay culimada saxda ah ku badasho kuwa dullinimada qaaibay oo muddo dheer ku hoos shaqeynayay isbahaysiga Africom iyo qaar qurbaha lagu dulleystay.
Dhab ahaantii hadalka ra’iisulwasaaraha waxaa lagu macneyn karayaa mid guul u ah culimada xagjirka ah ee Al-Shabaab oo maanta indhahooda ku arkaya dowladdii oo culimo yari ka cabanaysa taasoo muujineysa in looga golroonaaday dagaalka mabaadi’da ku saleysan.
Sidoo kale hadal uu jeediyay talaadadii shalay ayaa waxa uu ku tibaaxay war kale oo culus oo u marqaati kacaya Al-Shabaab iney ku guuleysatay dagaalka caqiidada ku saleysan, wuxuu sheegay iney ogaadeen in dadka Soomaaliyeed ay dowladda ka aaminsan yihiin iney gaalo tahay. Wuxuu tusaale usoo qaatay nin odayaasha reer Muqdisho kamid ah oo ay wareysteen islamarkaana weydiiyeen su’aal ah waxa uu dowladda ka aaminsan yahay, ninkii ayaa dalbaday in loo ballan qaado inaan waxba loo dhimeyn, wuxuu yiri waan ku ballan qaadnay, kadib wuxuu ku nuuxnuuxsaday in uu dowladda ka aaminsan yahay iney gaalo tahay.
Daadka Kusoo Socda Culimada Muqdisho ee uu Ra’iisulwasaare Xamse Ka Hordhacay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay dalka Imaaraatka carabta 34 maalmood kadib doorashadiisii bishii May ee sannadkii 2022. safarkaas oo qaatay muddo 6 maalmood ah ayuu heshiisyo qarsoodi ah kula soo galay saraakiil ka tirsan maamulka Yahuuda iyo madaxda Imaaraatka oo iyagu Mareykanka kala qeyb gala dagaalada uu caalamka islaamka kaga jiro.
Xasan ayaa saxiixay heshiis aan weli la ansixin oo Dubia u oggolaanaya inay Soomaaliya ka geysato wixii ay kula kacday bulshada Muslimiinta ah ee reer Yeman iyo Culimadooda. Imaaraatka oo Yeman ku galay la dagaalanka Xuuthiyiinta ayaa si daran u gumaaday dadkii ahlu sunnaha ahaa ee magaalooyinka waaweyn dacwada ka waday, waxaana la diiwaangeliyay inay dileen 53 rag oo culimo ah.
Siyaasadda Imaaraatka ayaa ah in la laayo culimada illaa ay kasoo haraan in yar oo wixii loo sheego kaliya bulshada ugu muxaadareeneysa, xumaanta lagula kacayo diinta iyo dadkana aan juuq ka oran karin. Haddaba qofkii daneynaya inuu wax ka ogaado xaqiiqda arrintan ha akhriyo wararka laga qoray Yeman iyo Liibiya iyo waxa ay ka geysatay dowladdan Yahuuda iyo Mareykanka ku daaban. Sidoo kale tusaale cad oo arrintaas ka marag furaya ayaa waxa uu yaallaa magaalada Dubai, qofkii tagay ayaana garan kara. Halkaas waxaa caadi ka ah khamriga, kaniisadaha, hoteelada dumarka jirkooda lagu iibiyo iyo kuwa dadka isku jinsiga ahi daggan yihiin, ma jiro Sheekh magaaladaas jooga oo ka hadli kara ama muujin kara inuu dhibsanayo munkarkaas.
Haddaba Xasan Sheekkh ayaa Maxamad Bin Zaayid usoo saxiixay inuu ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ka sameysto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kuwaasoo aan loo raacan doonin wax walba oo ay geystaan kadib marka ay baarlamaanku meel mariyaan heshiiskaas isaga ah. Imaaraatku wuxuu dhismaha ciidanka qandaraas ku siiyay Uganda iyo Masar, waxaana hadda gobolka Banaadir ka hawlgala qeyb kamid ah askartaas oo sadax bilood lasoo layliyay.
Sidoo kale waxaa Imaaraadka loo soo saxiixay in ay Muqdisho ka dhistaan hay’ad qaabilsan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen (fikirka xagjirka) oo loola jeedo mabaadi’da aan gabbashada lahayn ee Islaamka. Hey’addan oo loo bixiyay "tubsan” ayaa lagu dhawaaqay Oct 18, 2023 kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen safiirro ka socda Mareykanka iyo Ingiriiska iyo mas’uulka hawsha kormeeraya oo ka socday Imaaraatka.
Hay’adda waxaa madax looga dhigay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamad Nuur oo haba yaraatee aan aqoon u lahayn diinta islaamka, ahna milkiilaha hotelka ugu fisqiga badan Soomaaliya oo ku yaalla xeebta Muqdisho laguna magacaabo Elite Hotel. Xafladda ku dhawaaqidda hey’adda oo uu goobjoog ka ahaa Xamse Cabdi Barre ayaa noqon doonta mid kamid ah aaladaha uu Imaaraatku u adeegsado Culimada Diinta Islaamka. Qofkii horey u ogaa iyo kaan u ogeyn waxaan u sheegayaa in culimadu uu kusoo fool leeyahay culeys sidaba uu afkiisa kaga dhawaaqay ra’iisulwasaaraha.
Tallaabada ugu horreysa waxaa saaxada looga saari doonaa laguna caburin doonaa culimada salafiyiinta ah ee dadka bara towxiidka iyo xerta axkaamleyda ah ee suufiyada, waxaana kaalintooda iyo masaajidooda lagu wareejin doonaa suufiyada loo yaqaano Qaadiriyada oo loo arko ineysan qabin cadaawad diimeed oo ka dhan ah dowladaha shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay sida Itoobiya. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya wuxuu bishii November 2022 ka qeyb galay xaflad ay suufiyada qaadiriyada ahi ku qabsadeen Tiyaatarka Xamar oo lagu sheegay xuska Sheekh Cabdulqaadir Jiilaani.
Culimada waxaa laga doonayaa iney ka tanasulaan in badan oo kamid ah diinta ay dadka baraan, waxaa la qorsheystay in la gaarsiiyo heer ay inkiraan axkaamta shareecada qeybo kamid ah ama ka cararaan, waana sida ku dhacda Sheekh walba oo rayid noqda kuna hoos noolaada maamul ku dhaqmaya qawaaniin baalmarsan Islaamka. Halkan waxaan si kooban idinkula wadaagayaa qisada wadaad la yiraahdo Xasan Jaamici oo ku nool Mareykanka, kana mid ah taageerayaasha maamulka Villa Soomaaliya. Jaamici ayaa waxaa loo qabsaday oo waliba dembi weyn looga dhigay inuu dhallinyaro Soomaaliyeed u sharaxay sida loo tukado Salaatul-khoofka!. Gaaladii ayaa waxay leeyihiin jihaadka marka lagu jiro ayaa la dukadaa, isagana wuxuu leeyahay "sidaas uma barin ee qaab kale ayaan u fahamsiiyay”. Aakhirkii waxay arrinti jiidanto wadaadkii waxaa laga saaray xubinnimada guddi uu kamid ahaa, wuxuuna goobta isaga tagay isagoo eedeynaya wadaado kale oo saaxiibadiis ah oo uu ku tuhmayo iney FBI kusoo direen.
Daadkan Maxaa Kala Gudboon Culimada?
Taariikhda iyo dhacdooyinka dunida soo maray waxaa ku xusan mar walba oo uu shisheeye dal Muslim ku duulo inay culimadu noqoneysay sadax nooc, qeyb la dagaalanta shisheeyaha, qeyb la safata iyo qeyb ka gaabsata labada geesood. Sidoo kale waxay na bareysaa taariikhdu inay dunida ku fadeexoobeen culimadii shisheeyaha la safnayd noocey doonaanba ha noqdaane.
Culimada waxaan kula talin lahaa ineysan yareysan hanjabaada ra’iisulwasaaraha iyo dhacdooyinka ku xeeran ee aan kor kusoo xusay, waxaan ugu naseexeynayaa ka aqoonyahan ahaan iney ka fakaraan sida ugu wanaagsan ee ay uga hor tagi karaan xadgudubka lala maaggan yahay.
Aniga culimada ma oranayo Al-Shabaab ku biira ama dowladda iska dhiciya, laakin waxaan hubaa in muddo dheer loo ciishoonaa oo faruuryaha loo qaniinaayay, maxaa yeelay waxay dowladda ka kala daadiyeen mashaariic badan oo uu dhaqaale kasoo gali lahaa sida xeerka jinsiga iyo kuwa kale oo badan markii ay masaajidda iyo fagaarayaasha ka dhawaaqeen. Dadka aragtida dheer waxay qabaan in culimada marhore lasoo hujuumi lahaa, laakin looga baqayo in ay ku biiraan Al-Shabaab, waxaan hubaa haddii aysan jiri lahayn mintidiinta Al-Shabaab in sida Sucuudiga iyo Imaaraatka oo kale dalkeena lagu xabisi lahaa kumannaan culimo ah, laguna daldali lahaa boqollaal kale oo loo heysto iney Yahuuda ka habaareen masaajidda ama ka hadleen qadaayaadka Muslimiinta.
Warkeyga waxaan kusoo gabagabeynayaa maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa (daad inta uusan kusoo gaarin ayaa la iska moosaa).
Xamse Cabdi Barre iyo Xasan Sheekh maadaama ay muwaadiniin Soomaaliyeed yihiin iyagana waxaan kula talinayaa iney ka fakaraan aayahooda iyo waxa taariikhda ugu qormi doona, siyaasad uu majaraya u hayo Mareykan, maamul ku dhisan qabyaalad iyo mususqmaasuq joogto ah waxba lagu gaari maayo, Cabdullaahi Yuusuf aaway, Shariif muxuu ka hayaa, Xasan muxuu ka faa’iiday kolkii hore, aaway Farmaajo, ma jiraa nin markii uu xilka ka dagayay caleemo qoyan iyo duco lagu sagootiyay?. Waa maya. Waxaan qormadan kusoo afmeerayaa suugaan uu tiriyay Abwaan Hadraawi oo ka hadleysa milgo xumada ay leedahay siyaasad haddey noqoto tan ay maanta dhex dabbaalanayaan madaxda dowladda.
Haddaanay astaan lahayn,
Abbaar iyo nuxur lahayn,
Aroor iyo raad lahayn,
Ammaaniyo qawl lahayn,
Asluub iyo dhaqan lahayn,
Islaamnimo sheeganayn,
Hadday wada eexo tahay,
Hadday asaroorin tahay,
Asaasiran lagu bursado,
Hadday dabin aasan tahay,
Shil iyo wada eeso tahay,
Hadday wada aano tahay,
Hadday agaraadam tahay
Addoonsigu diin u yahay,
Hadday orgobaysan tahay,
Iimaanku ka qooman yahay,
Hadday Arraweelo tahay,
Hadday abnawaasad tahay,
Af-duub iyo beeno tahay,
Axsaantu ka maydhan tahay,
Hadday orgi iyo ri’ tahay,
Or iyo wada qaylo tahay,
Hadday adhiyaysi tahay,
Hadday adhax-tuujin tahay,
Ilduuf iyo jeeble tahay,
Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
Siyaasadi aabbe ma leh.
Ku daalka abaabulkeeda,
Alooskiyo baanaheeda,
Ujeeddo ka keeni maysid!!!.
Abwaan Hadraawi
Wabillaahi Towfiiq
Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen
Stockholm, Sweden
FG: Fikirku wuxuu gaar uyahay qoraaga SOMALIMEMO looma tiirin karo