Cilmiga ciidanimadu wuxuu ku leeyahay, cadaw hadii uu kusoo weeraro oo ay xabad kugu billaabato, ha deg degin, hana qalqalin. Ugu horeyn gabaad gal (cover), kadib hubso halka ay xabadu kaaga soo dhacayso, ugu dambayna rasaas ugu jawaabtaa halka lagaa soo xabadaynayo. Waa xeer dagaal oo lagu tababaro ciidamada.
Dhincyada Soomaaliya ku dagaalamaya qolo cilmigaas dhaqan-gelisa waxaan ka arkay Al-Shabaab. Waxa kasoo haray waxay u badanyihiin ha yaacdo ama igu sawir.
U fiirso, mar walba oo Shabaabka dagaal lagu soo qaado, ma deg degaan, waxay ugu horeyn qaataan gabaad, kadib waxay qiimeeyaan halka duullaanka looga soo yahay, cidda weerarka ku ah, cadad iyo cudud inta ay la egyihiin, ugu dambayna jawaab kulul oo ay ka shallaayaan ayay siiyaan qoladaas soo weerartay. Al-Shabaab waxay sidaas ku samaysay ciidamadii Itoobiya, kuwa Kenya iyo isbahaysigii AMISOM ee mar dambe la baxay ATMIS.
Tusaalaha ugu dhow hadaan ku siiyo, Gurguurte iyo xulufadiisa caddaanka iyo madowga leh, weerar ayay kusoo qaadeen Shabaabka, magaalooyin ayay qabsadeen dagaal la'aan ama iska caabin aan badnayn kadib. Waxay moodeen inay guulaysteen, markaas ayay dabaal-deg billaabeen iyo mashxarado.
Ma oga e waa Shabaabkii oo gabbaaad (cover) qaadatay, waana xeerka koowaad ee weerarka. Waxyar kadib dagaallo yar yar iyo kamiino ayaa lagu billaabaa colka, waana xeerka labaad ee dagaalka, Ugu dambayna weerar cagmarin ah oo lagu gumaado ayaa lagu soo qaadaa cadawgii soo duulay.
Markaas ayaa saraakiishii hogaanka ahay lalaayaa, ciidamadana la xasuuqaa, hub iyo qalab waxay haysteena laga xayuubsadaa. Sidaas ayaa ka dhacday Galcad, Ruunirgood, Hilowle-gaab, Xawaadleey, Yasooman, Burdaar, Masagawaay, Cawsweyne, Ceel Lahay iyo meelo kale oo badan.

Waxa maanta Dhuusamareeb ka dhacay waa qayb kamid ah xeeladaha dagaal ee ay Shabaabku kaga aqoon badanyihiin cadawgooda. Xassan Gurguurte oo 54 maalmood fadhiya Dhuusamareeb ayaa xaruntiisii laba gaari oo miinaysan loogu keenay. Waa ninkii ay ciidamadiisu ilaa Ceelbuur gaareen, balse maalmo gudahooda ay kasoo yaaceen, maantana naftiisii ay halis ku hashay isla xaruntii uu 54 maalmood kahor u yimid inuu ka duullaamo oo uu qabsado deegaano 120km u jira halka maanta lagu soo weeraray.
W/Q: Mudey Mocow