Ma jecli inta badan inaan siyaasadda wax ka qoro ama aan ku mashquulo qulqulatooyinka maalinlaha ah iyo jadwalka halka nooc ku socda ee ay beesha caalamku noo sameeyeen, haseyeeshee, waxaan u holladay inaan ummaddeyda la wadaaqo qormo muhiim ah oo uu qof walba ka heli karo xogo iyo xaqiiqooyin masiiri ah oo uu ku go'aan qaato.
Ma jecli inta badan inaan siyaasadda wax ka qoro ama aan ku mashquulo qulqulatooyinka maalinlaha ah iyo jadwalka halka nooc ku socda ee ay beesha caalamku noo sameeyeen, haseyeeshee, waxaan u holladay inaan ummaddeyda la wadaaqo qormo muhiim ah oo uu qof walba ka heli karo xogo iyo xaqiiqooyin masiiri ah oo uu ku go’aan qaato.
Maqaalkan waxaa igu kallifay mas’uuliyad anigoo gudanaha ammaanada aqooneed ee I saaran, maxaa yeelay waxaan arkay arrin halis ah oo taabanaysa aayaha dadka Soomaaliyeed, sidoo kalana dhaawacaysa sooyaalka dahabiga ah ee aanu leenahay. Maqaalkan waxaan qorayaa xilli barqo ah oo ay shaqo badan ii taallo, waxaan dib u dhigay hawlahihii I horyaallay oo dhan, isgaarsiintiina waan iska fogeeyay si aanan u mashquulin.
Waxaa jirta xikmad oranaysa (qofka aan ogaan halkii uu ka yimid ma garto halka uu u socdo). Sidaa darteed, inta aanan gudagelin dulucda mowduuca, waxaan doonayaa inaan si cilmi ah oo caadifad ka fog iskula jalleecno hordhac taariikheed lagama maarmaan u ah mowduucan miisaanka weyn ee aan ugu gar-qaadayo Sarreeye Guuto Maxamad Cali Samatar madaxweyne kuxigeenkii Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah madaxweyne.
Maxaa Dhacay 1974 iyo 2016?
Sannadkii 1974, Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa casuumaad u fidiyay boqorkii Xabashida ee la oran jiray Xayle Selaase xilli uu kamid ahaa wufuuddii ka soo qayb gashay shirkii 11aad ee madaxda ururka midowga Afrika oo markaas Muqdisho ka socday. Siyaad ayaa Xayle gudoonsiiyay Waran iyo Gaashaan oo sida la garanayo kamid ah hubka ay Soomaalidu ku daggaalanto, kadibna wuxuu Xayle ka codsaday inuu kusoo wareejiyo dhulka Hawd iyo Galbeed ee uu Ingiriisku gardarrada caddaanka ah ku siiyay.
Sidoo kale wuxuu Siyaad boqorkii Itoobiya u sheegay inuu inkiro soohdimo beenaadyadii uu gumaysigu kala dhex dhigay dalalka Afrika, dadyowgii uu qaybshayna la isla doono, madaxda Afrikana looga fadhiyo iney arrintaasi ka shaqeeyaan. Xayle Salaase ayaa ku jawaabay, "ma xuma warkaaga, laakiin waxa aan beddelkeeda (soo celinta soomaaligalbeed) ku doonaynaa in nala siiyo magaalada Saylac!!”. Ina Siyaad Barre ayaa ugu jawaabay "sow ma ogid in Saylac ka qiimo badan tahay dhulkan hawdka u badan oo aad imminka haysato. Waayo waa meesha keliya ee caddeynaysa in ay halkaas inooga dhisnayd dowlad CADAL la yiraahdo oo uu imaamkeedu ahaa Axmad Gurey”.
Xayle oo ay wajigiisu caro badan ka muuqato ayaa isna ku jawaabay, "waan gartay in aad dagaal diyaar u tahay markii aad Waranka iyo Gaashaanka ii hadiyeysay, waayo waa astaamo muujinaya dagaal, waana fahmay” ayuu yiri. Qisadan waxaa laga soo xigtay Axmed Ashkir Bootaan oo ka mid ahaa xubnihii fulinta ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa, oo isagu markaas goobjoog ahaa.
Haddaba 2016, jeer ay kulankaasi kasoo wareegatay muddo 42 sano ah, Xasan Sheekh ayaa Itoobiya si bilaa-damiir ah ugu hadiyeeyay dhulka Soomaaligalbeed, warankii iyo gaashaankii uu Siyaad Barre siiyayna wuxuu ugu badalay dharka hidaha iyo dhaqanka ee ay haweenku qaataan iyo dhaanto. Ficilkaas uma fahmin anigu wax aanan ka ahayn inuu Xasan Itoobiya ku yiri haddii shalay waran iyo gaashaan la idiin hadiyeyn jiray oo colaad la idiin muujin jiray maanta dumarnimo ayaan idiin muujineynaa!!. Haddaba taariikhdu waxay na bareysaa mar walba oo ay ummadi cadawgeeda u dhawaato inuu kusoo dhiiranayo oo uu xadgudub iyo tallaab cusub qaadayo, sidaa darteed, sannadkii 2018, Abiy Axmed, ra’iisulwasaaraha Itoobiya, ayaa meel fagaare ah ka sheegay inuu Muqdisho qabsanayo!. Hadalkan wuxuu ku yimid su’aal ay weydiiyeen dhallinyaro qabiilka Uraagada kasoo jeeda oo dalbaday in la siiyo maamul ay u madax bannaan yihiin, markaasuu intuu carooday ugu jawaabay sida soo socota:
"Ka gudub halkan soke ee aad ka fakareysid, annagu waxaanu dooneynaa marka aanu Muqdisho furanno in aad sabtida iyo axada inta aad kasoo shaqeysaan aad kasoo noqotaan, yaa ka shaqeynaya marka aanu Muqdisho furno oo aanu heshiisyada la galno, annagu halkaas ayaanu ka fakareynaa idinkana meel soke”. intaas markii uu yiri waxaa goobta is qabsaday sacab, Itoobiyaankii careysnaa ee cadaalad darrada ka cabanayayna aad ayay u farxeen. Waana isla sannadkii uu Farmaajo u sxiixay dekedaha Soomaaliya.
Sidee Buu Xasan Sheekh Sabab Ugu Noqday Geeridii Cali Samatar?
Maxamad Cali Samatar ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii gaadhaandhigga ee dowladdii kacaanka oo mudada 21ka sano ah ka talineysay wadanka. Inkasta oo ay dowladdaas la dagaalamaysay diinta, haddana wax badan ayay madaxdeedu ku dhaameen kuwa maanta fadhiya Villada, ma oggoleyn in wax loo yeeriyo, mana ka gorgortami jirin qarannimada Soomaaliya. Cali Samatar ayaa hogaamiyay dagaalkii lala galay Itoobiya 1977 kaasoo ay Soomaali kusoo ceshan lahayd xaqeeda dhuleed ee ka maqan hadaaney xabashidu gurmad ka heli lahayn dowladaha Orthodox-ka ah iyo kuwii cucubka ahaa ee la socday. Cali Samatar oo ka waramaya daciifnimada Xabashida iyo dersigii maalintaas loo dhigay ayaa yiri hadal taariikhda galay oo ahaa "Ciidankii Libaaxii geeska africa la baxay, bisad baanu kasoo saarnay muddo bilooyin aan badnayn ah gudahood”
Cali Samatar marna ma uusan filanayn isagoo nool iyo isagoo dhintayba in madaxweyne Soomaaliyeed uu ku dhaanteeyo Jigjiga islamarkaana dhulka Soomaaligalbeed u aqoonsado Itoobiya. Maalinta uu Xasan Sheekh Jigjiga kula cayaarayay Cabdi Iley iyo Gabrayaasha gaagaaban ee Gonder iyo Maqalle ka yimid, waxay ahayd Augost 12, 2016, Cali samatarna wuxuu geeriyooday Augost 20, 2016, waa 8 maalmood kadib foolxumadii iyo falaadkii ka dhacday Jigjiga.
Muddadaa 8 cisho ah waxay Calisamatar u ahaayeen habeenadii xanuunka iyo sakaraadka, iyo habeenadii ciilka iyo caloolyowga, wuxuuna isagaoo 85 sano jir ah ku geeriyooday isbital ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka!!. Intaas waxaa kasii darnayd in aaskiisii oo ka dhacay Muqdisho ay kasoo qeyb galeen dhammaan nimankii Jigjiga tagay ee usoo aqoonsaday dhul xabashaad, kuwaasoo uu ugu horreeyo Xasan Sheekh. Waxaan hubaa haddii uu Cali Samatar awoodi lahaa inuu dardaarmo ka hor geeridiisii inuu codsan lahaa inaan meydkiisa loo geyn Xasan Sheekh iyo meel uu ka agdhow yahay.
Itoobiya Waa Bisad & Mayee Waa Libaax Madow!
Bishii lasoo dhaafay ee Juun billowgeedii anigoo safar ku jira oo ka tagay dalka Sweden ayaa waxaan caasimadda dalka Jarmalka ku arkay nin la leeyahay waa aqoonyahan Itoobiyaan ah oo inta badan ka faallooda colaadda labada dal (Soomaaliya iyo Itoobiya). Waxaa ii suura gashay inaan ninkii la fariisto oon la doodo si aan u ogaado caqliyaddiisa iyo heerka uu ka joogo Soomaali nacaybka.
Ninkan waa Amxaari, magaciisu waa Getu. Haddaan nuxurka ka abbaaro doodayada, wuxuu ii sheegay in dowladdiisu maanta mareyso marxaladii ugu liidatay abid, ayna adagtahay sida ay uga soo kabsadaan dagaalkii sokeeye ee dhex maray Tigre iyo xukuumadda, waxa kaloo uu tilmaamay in xilligan ay qowmiyadaha qaar diidan yihiin nidaamka maamul ee Itoobiya. Intaas kadib aniga ayuu igu soo jeestay, wuxuu iigu faanay iyagoo sidaa u liita iney maanta nasiib u heleen in ay Soomaaliya ku yeeshaan maamullo aan waxba u dhaamin kuwa ka jira Adis-ababa, Maqalla, Bahardar iwm.
Hadalkii iigu yaabka badnaa ee uu igu yiri wuxuu ahaa "afkii aad shalay nagu caayayseen ayaad maanta nagu ammaaneysaan, 1977 waxaad halis galiseen madaxbannaanida Itoobiya idinkoo noo diidan dhulka uu hadiyadda nagu siiyay Ingiriiska, waxaad nagu sheegteen inaan bisad nahay markaad ciidankeena soo jiirteen idinkoo sidii jinniga u yaacaya, laakin waxaan kuugu bishaareynayaa (buu igu yiri) in todobaad kadib aad noogu yeeri doontaan Libaaxa Madow, Mar haddaad Libaax noo aqoonsataanna cidda Bisadda ah wey iska cadahay” Aad baan ula yaabay warkiisa, waxaana maalmo kadib magacaasi ka maqlay shirka golaha ammaanka ee uu Xasan Sheekh kaga qeyb galay Newyork 22 bishii Juun.
Baaritaan dheer oo aan sameeyay ayaa waxaan ku ogaaday in Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu codsaday in duullaanka wajiga labaad loo bixiyo magacaasi isaga ah, sidoo kale waxaan todobaadkii lasoo dhaafay maqlay
madaxda DF oo sheegaya in wajiga labaad ee dagaalka loogu magac daray Libaaxa Madow. Aqriste waxaan filayaa inaad si fiican iila socotid.
Magaca Libaaxa Madow Asal Ahaan Halkee Buu Kasoo Jeedaa?
Sidaan kor ku sheegay waxaa magacan codsaday Ra’iisulwasaare Abiy, waxaana lagu magacaabi jiray jabhad ay Xabashidu ku faanaan si lamid ah sida ay Soomaalidu ugu dhaadato ciidankii Daraawiish ee uu hogaaminayay Sayid Muxamad Cabdulle Xasan. Jabhadda Libaaxa Madow ee Itoobiya ayaa wadankaas ka dagaalamaysa 1935, waxay u badnaayeen dad dhallinyaro ah oo kasoo hor jeeday in Talyaanigu gumeysto, laakin aakhirkoodii waa la baabi’iyay oo Talyaanigii ayaa si ba’an u gummaaday.
Ma kula tahay akhristow in Itoobiya aqbali lahayd inaan wadankeeda u dirno ciidan Soomaali ah oo wata magacii Imaam Axmad Gurey, magacii Daraawiish, Magacii Sheekh Bashiir, SYL, iyo magacii Sheekh Xasan Barsane. Magaca gurracan ee Xabashida lagu amaanayo ayaa dhanka kale u muuqda mid lagu liidayo taariikhda iyo halyeeyadii Soomaaliyeed.
Cidda kaliya ee hadda suuq geeneysa magaca jabhaddii Itoobiya ka jirijirtay ee libaaxa madow waa Xasan Sheekh, Xamse iyo wasiirka gudaha Axmad Fiqi. Waa magac dhanka kale Itoobiya looga cudur daaranayo, lana oranayo -ka raali ahaada- warkii Cali Samatar ee ahaa "Bisad baanu kasoo saarnay” idinku bisad ma tihiin ee Soomaalida ayaa bisad ah.
Soomaaliyeey, gari Alley taqaane, ma Cali Samatar ayaa khaldanaa mise Xasan Sheekh ayaa khaldan, labadooda kee Xabashi buunbuuniyay ee Soomaalida gumeeyay, keese Xabashi liiday ee Soomaali kartideeda soo muujiyay!.
Sida aan wada garanayno libaaxu waa mid kamid ah xayawaanada loo yaqaano sibaaca kaasoo geesinimadiisa darteed ay carabtu ugu magac daraan caruurtooda si ay ugu beeraan halyeynimada iyo ku dhiiranaanta cadawgooda sida uu Ibnu Dureyd ku sheegay kitaabkiisa "Al-ishtiqaaq/الاشتقاق". Magacyada Libaaxa waxaa kamid ah Leyth, Qaswara, Beyhas, Xeydara iyo Usaama oo ah magac ay illaa iyo hadda ka baqaan reergalbeedka kuna hurdasiiyaan caruurtooda, magacaas oo saxaabaduna ay la bixi jireen Alle haka raali noqdee. Sidoo kale Carabtu waxay kunyo ahaan u isticmaalaan magacyada ilmaha libaaxa waxaana kamid ah, Abulxaarith, Abul-ashbaal, Abul-abdaal, Abuu Xafsa, Abul-cabbaas- Abuu Firaas iyo kuwa kale, iyadoo Qur’aankana halmar lagu sheegay magaca libaaxa ee Qaswara.
‘ كأنهم حمر مستنفرة . فرت من قسورة ‘
Anigu ka aqoonyahan ahaan ma diidani in qof walba uu la bixi karo magaca libaaxa, ha ahaado geesi ama ha ahaado fulay, balse akhriste aan su’aal ku weydiiyee, adduunka maka jirtaa ummad cadawgeeda soo jireenka ah taariikhdiisa dhimatay soo nooleeneysa, ma jirtaa ummad amaaneysa nacabkeeda oo libaax ku sheegeysa?. Wali ma aragteen mas’uul Falastiini ah Balfor halyey ku tilmaamaya dabadhilif kasta oo uu ahaado? Ma maqasheen Eratariya oo Itoobiya buunbuunineysa ama magacyadooda soo nooleeneysa? ma aragteen Jaban oo Mareykanka geesiyo ku sheegaya? Yaa ii sheegi kara Turkiga oo Gariig ku tilmaamaya halyeeyo? Ma aragteen Vitnam oo ka qoomameeneysa dagaalkii ay Mareykanka ku jabisay?
Su’aasha kale ee muhiimka ah waxay tahay, haddii aan maanta Xabashi ugu yeerno Libaax Madow makula tahay in caruurteenu beri iska dhicin doonaan asaagooda Itoobiyaanka ah? Xabashi sow ma ahan kuwii aan barnay hilibka qeyriinka xilligii Imaam Axmad Gurey, abwaan Heelaale-na uu ka yiri.
Dabku quud markii lagu karsani waa wax qaaliyahe
Habeenkii markii lagu qatalay qaaca olalkiisa
Dharaartiina qorigey shidiyo qiiqi lagu raacay
Qabbaa soo luggooyayey intey quusatoy samirtay
Ayagoo qadoodigu diloo hoog la qamardaada
Qanjidh dhiig leh tii lagu qasbiyo hilibka qeyriinka
Qashinkana cunsiisaad ahayd qooq la oradiiye
Dhab ahaantii anigu waan qadariyaa dadka aqoonyahanka ah, Xasan Sheekh Maxamuud waxaan moodi jiray nin aqoonta maadiga soo bartay oo ugu yaraan ilaalin kara Value-ga ama qiyamka ummadda Soomaaliyeed, laakin waxaa ii soo baxday inuu ka liito hogaamiye kooxeedyadii hayinka u ahaa Itoobiya ee dabarka iyo hogaanka loo hayay, una dacayeysnaa Gabre iyo Gurgure, marba haddii uu Libaax ku tilmaamay majagaabta majaafada ah ee ay shanta Soomaali ugu yeerto (Xabashi Injirrey/ Xabashi Duufley)
Soomaalida Inmisa Goor ayaa La Sirayaa?
Wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxeen Imaaradihii Islaamiga ah ee ka jirijiray mandiqaddan, Soomaalidu fursad uma helin iney yeeshaan hogaan gumeystayaasha ka madaxbannaan oo diintooda ku dhaqa. Markii uu gumeystuhu ka baxay dalka 1960, dadkii hormuudka ka ahaa siyaasadda waxay noqdeen kuwii Ingiriiska iyo Talyaaniga u shaqeynayay, waxayna ummadda u dooreen in lagu dhaqo Dimuqraadiyadda oo ah mabda’ kasoo jeeda reergalbeedka.
Soomaali ma aysan mahdin dimuqraadiyadda, waxaana 1969 dalka ka dhacay afgembi aan dhiig ku daadan kaasoo ay ka dhalatay dowladdii Maxamad Siyaad Barre, taasoo wadanka keentay mabda’ kasii halis badan Dimuqraadiyadda oo la yiraahdo Shuuciyad. Shuuciyaddii waxaa laga dhaxlay burbur iyo tiih kadib markii iyadoo Soomaali daawanayso fagaaraha Afisyooni lagu toogtay 11 culimo oo diiday xadgudubkii uu ina Siyaad Barre kula kacay diinta islaamka.
Burburkii kadib wadanku wuxuu beylah u noqday cadawgii ummadda oo ay Xabashidu ugu horreeyaan. Xabashidu wey garanayaan cidda Soomaali maslxadeeda ka shaqeeneysa iyagana caqabadda ku ah, sidaa darteed waxay sannadkii 1996 kusoo duuleen maamuladii islaamiga ahaa ee uu ururkii Itixaad Al-islaami Gedo ka taagay, Itoobbiya waxay iska soo hormarisay hogaamiye kooxeedyo, waxaa loo sameeyay buunbuunin badan, waxaa suuqa lasoo galiyay in Itoobiya uu hogaamiyo Milles-zinawe oo ay Soomaali wax bartay, waxaana dadka loogu sheekeeyay inuu gudayo abaalka ay Soomaali ku leedahay, dhulkana uu noo xoreynayo.
Culimadii Soomaaliyeed berigaas waxay qaateen dowrkoodii iyo waajibkii diineed ee saarnaa, qaar waxay ka qeyb galeen dagaalka, intooda badanna waxay shirweyne ku qabteen wadanka aan hadda degganahay ee Sweden, waxaana culimadaas ugu caansanaa Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Maxamad Rashaad, Sheekh Cabdullaahi Cali Xaashi, Sheekh Maxamad Cusmaan iyo Sheekh Umal oo markaa nin dhallinyaro ahaa, waxaana ay culimadu fatwoodeen, qofkii Xabashida kasoo barbar dagaalama inuu gaal yahay oo diinta islaamka ka baxayo.
Culimadu waxay ummadda uga digeen in aan lagu kadsoomin dhagaraha cadawga iyo wararkooda beenta ah. Hogaamiye kooxeed Cumar Xaaji Masalle iyo rag lamid ah ayaa ummadda u sheegay in Itoobiya ciidamadeedu aysan wadanka qabsanayn, ujeedadooduna tahay iney caawiyaan malleyshiyaadka Soomaalida ah ee wadaadaha la dagaalamaya, laakin bilo yar kadib waxaa dhacay in xabsiga loo taxaabo saraakiishii Xabashida ammaaneysay illaa Cumar Xaaji Masalle uu warbaahinta ka sheego in Itoobiya ay ballantii uga baxday, illaa iyo haddana Xabashidu waxay heystaan degmooyin muhiim ah oo Gedo ka tirsan.
Xasan Sheekh ayaa isna hadda wuxuu leeyahay Itoobiya ma ahan tii hore, wuxuu ku tiraabayaa in ciidankoodu muddo 3 bilood ah joogayaan wadanka, dabadeedan ku laaban doonaan dalkooda iyadoo aan ognahay iney haddaba heystaan magaalooyin badan oo ka tirsan geyigeena. Itoobiya Soomaali iska dhaafe xataa ma xushmeyso kuwa dabadhilifka u ah ee dalka kusoo hogaamiya, waxaan ognahay wixii ku dhacay Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamad Geedi kuwaasoo labaduba ay si sharaf darro ah ugu amartay iney iscasilaan, waxaa kale oo tusaale muuqda ah Cabdi Iley iyo xaaladda dullinimo ee uu maanta ku sugan yahay.
Ugu dambeyntii waxaan leeyahay, Soomaaliyeey imisa goor ayaa god la idinka qaniinayaa?.
Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen
Stockholm, Sweden