Dagaal ka dhex qarxa Ethiopia iyo Eritrea wuxu fursad u yahay Alshabaab.

Thursday July 13, 2023 - 10:28:31
Liibaan Jeexoow
Toddobaadkii ina dhaafey waxa aad loo qaadaa dhigayey dagaalka muxtamalka ah ee u dhexeeya Ethiopia iyo Eritrea. Waxaana wararku sheegayeen in Abiy uu ciidan xooggan geeyay deeganka Wolqayt oo hore uga tirsanaa deegaanka Tigrey laakiin Axmaaradu ay qabsatey intii Abiy uu dagaalka kula jirey TPLF.

Ciidankaas ayaa sababey in Axmaarada uu shaki weyn galo halka dowladda Eritrea iyo Ethiopia uu markii horeba heshiiskoodu ahaa dano iyo maslaxad.

Si aad u fahanto halka ay Abiy iyo Afwerki iskala jaan qaadeen; Sannadkii 2018 oo markaas uun Abiy loo caleemo saarey RW Itoobiya ayaa waxa uu ogaadey in dalku leeyahay cadow gudeed oo badan iyo mid dibadeed,

waxaanu u holladey in uu dabarrada siyaasadeed ee khaarajiga ah mid mid u furo. Haddaba isla markii la caleemo saarey waxyar ka dib wuxu u safrey Asmara halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Afwerki. Abiy wuxuu u saxeexay Ereteriya dhulkii xuduudka ahaa ee ay isku hayeen labada dal. Waxaana sidaa lagu dhaqan geliyey heshiiskii Baadhame, taasi waxay sumcad weyn siisey Abiy Axmed isla markaana waxa uu helay jaa’isadda Noble Peace Prize. Abiy haddana wuxu cagta mariyey Tigreegii muddada dheer ka talinayey Itoobiya isaga oo u kaashadey Axmaarada gudaha iyo Ereteriyaanka dibedda.

Mareykanka oo dano dhaqaale iyo mid istiraatijiyadeed kaleh Itoobiya ayaa wuxu damcey in uu heshiisiiyo Abiy iyo TPLF. Bishii November labadeedii sannadkii 2022-kii ayaa Itoobiya iyo TPLF ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo taas oo u cuntami weyday Isyaas Afwerki oo rabey in Tigreega laga dhigo hal luntey iyo hal is dhiibtey.

Abiy markii uu halkaa kaga faraxashey dagaalkii waqooyi wuxu qorshahooda galey Axmaarada sidii loo edbin lahaa waxaanu soo dhigey mashruucii hub ka dhigista ciidanka gaarka ah ee qoomiyadaha. Isla markiiba waxa hubkii laga dhigey Soomaalida oo iyagu aan saameyn siyaasadeed ku lahayn Itoobiya laakiin Axmaaradu bilowgii waa ay ku gacan saydheen. Inkasta oo markii hore Axmaaro badani duurka gashey haddana badankood mar dambe waa ay isa soo dhiibeen wixii baaqiga ahaana waxay ku biireen xagjiriinta Faano.

Haddaba Abiy oo wax badani ka furfurmeen laakiin weli dhibaato haysato wuxu dareemay in Itoobiya u baahan tahay dekad ay kala soo degto hubkeeda oo ay iyadu leedahay waxaanu tobabarro u soo afmeeray Ciidanka Badda Itoobiya, qorshuhuna wuxu noqday in la bartilmaameedsado saddex dekadood middood. 1: Seylac oo muhiimad weyn u leh. 2: Casabta Ereteriya iyo Dekedda Jabuuti.

Inta Itoobiya qorshahaa ku jirtey waxa dhankooda qorshe wadey xerta Afwerki. Madaxweynaha Ererteriya oo ka faa’ideystay cuna qabateyntii siyaasadeed ee uu Abiy ka qaadey wuxu tagey Shiinaha iyo Ruushka. Shiinaha wuxu la saxeexday heshiis istaraatiiji ah oo loogu dhisayo labo dekadood; halka la sheegayo in Ruushka uu la soo saxeexday heshiisyo millateri. Abiy oo hadda gacansaar siyaasadeed la yeelanaya TPLF waxa ay welwel weyn ku abuurtey Axmaarada iyo Ereteriya oo markan dhankooda iskaashanaya.

Dhanka kale waxa la sheegayaa in Abiy kaashanayo Canfarta Ereteriya oo iyagu muddo dheer mucaarid ahaa. Qoomiyadda Cafarta ayaa degta labada dal ee Itoobiya iyo Ereteriya taas oo qudheedu saameyn keeni karta.

Axmaarada oo dhulal ka haysta Tigreega ayaa aad ugu heellan dhanka Afwerki in ay xiriir qoto dheer la yeeshaan, maaddaama oo aaney sinnaba ugu qanacsanayn hogaaminta dalka ee Abiy oo Oromo ah.

Haddaba tani waxa ay Alshabaab ka fududayn kartaa culeys millateri. Alshabaab oo sida la ogyahay wacyi badan kasbadey oo hadda gacanna shacabka ay haystaan ugu adeega horumar ahaan dhanka kalena dagaal kula jira quwadaha geeska iyo Beesha Caalamka ayaa saadaaliyey mar aan sii fogeyn in wejiga labaad ee dagaalka lagula jiraa uu noqon karo in la keeno ciidan Xabashi ah.

Taa waxa sheegay afhayeenka AS Sheekh Cali Maxamuud Raage, haddaba si shabaabku taa uga hortagaan waxay qorsheeyeen hawlgal laga dhex fulinayo gudaha Itoobiya siiba deegaannada Soomaalida iyo kuwa Oromada. Sida lagu qorey shebekadda Ethiopia Insight waxa la sheegay in dhowr boqol oo ciidammo shabaab ahi u gudbeen gudaha Itoobiya, kuwaas oo jaanis raadis ah.

Murugga siyaasadeed ee dalalka geeska ka jiraa marwalba wuxu bushaaro u yahay kooxaha hadda tabarta dowladeed aan lahayn. Tusaale ahaan, dagaalka Suudaan wuxu fursad siinayaa qabaa’ilkii reer Daarfuur ee la muquunin jirey. Xasaradda Itoobiya waxay nafis siyaaseed siisey Soomaalida oo aad loogu dhibi jirey Jeel Ogaadeen. Dagaal Afwerki iyo Abiy dhexmaraana waxa hubaal ah in Cafarta Ereteriya oo wakhti dheer dulmanayd ay nafis badan heli doonaan halka Soomaaliyana Shabaabku sii awoodeysan doonaan.

W/Q Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences