Lahjada Lugbara ee looga hadlo waqooyi-bari Yugaandha, Magaca Nyororo macnahiisu waa silsilad.
Waxa laga yaabaa in loola jeedo waxa isku xira taayarrada si loo dhaqaajiyo baaskiilka ama mootooyinka, iyo sidoo kale tan loo isticmaalo in la iskula xirxiro alaabaha. Dad badan oo kamid ah ciidamada iyo kuwa kale ee shacabka ahba, Edward Nyororo oo ahaa gaashaanle dhexe ka tirsan ciidanka difaaca Yugaandha, wuxuu u ahaa awooda isku xirka ah ee ay leeyihiin.
Nyororo, wuxuu ahaa 46 jir ay ka buuxday awood, lahaana himilooyin badan. Waxa uu qorsheeynayay in uu shaqada ciidanimo ka fariisto bisha Agoosto ee soo socota, isla markaasna hooyadii, Ester Tokoru, oo xanuunsan uu u dhiso guri ay ku jiro tubo biyaha laga cabo.
Hase yeeshee dhammaan himilooyinkaas waa ay khasaareen kadib markii qiyaastii 800 oo ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo weerareen Buulo Mareer, oo uu ku yaallay saldhigga Ciidamada Difaaca Dadka Yugaandha, halkaasoo oo Nyororo uu ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidamada.
Ilaa hada oo muddo isbuuc ah laga joogo weerarka, aad bay u yartahay faahfaahinta ku saabsan sida ay ciidamada Al-Shabaab cagta u mariyeen saldhigga, una dileen tobonaan askari, kuwa kalena ay maxaabiis-dagaal ahaan u qabteen.
Maalintii Sabtida, Madaxweyne Museveni, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in Yugaanda laga dilay 54 askari ka dib markii laba taliye oo darajada Gaashaanle ah ay sabab aananaan ilaa hadda la garanaynin ugu amreen ciidammada in ay insixaabaan halkii ay wax iska celin lahaayeen.
Waa khasaarihii ugu darnaa ee soo gaara ciidamada Yugaandha ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, tan iyo markii ugu horeysay ee loo diro dalka ku yaalla Geeska Afrika sanadkii 2007-dii, iyagoo qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Xogaha rasmiga ah ee weerarku waa mid aad u yar. Tusaale ahaan, Misis Tokoru waxa ay sheegtay in aanan wali si rasmi ah loogu soo sheegin dhimashada wiilkeeda ee Soomaaliya inkasta oo uu darajada sare ka hayay ciidamada UPDF oo uu ka tirsanaa.
"Waxaan ka maqlaynaa saaxiibbadiis in uu wiilkaygii dhintay. Qaar kale ayaa naga soo wacay Soomaaliya, balse ma jirto cid si rasmi ah nooga soo sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo UPDF in wiilkeyga uu dhintay. Hadda waxaa laga joogaa toddobaad, waxaan rabnaa inaan u diyaargarowno aaskiisa,” ayay tiri hooyadiis.
Xaafadda Okuzoku ee duleedka Magaalada Aruuwa, dad baroor-diiqaya ayaa ku soo qulqulaya si ay ugu tacsiyeeyaan qoyska oo ay uga qayb qaataan barnaamijka aaska.
" Maadaama aanan lahayn jadwal goorta uu meydka la keenayo, waxaan u sheegnay dadka inaysan halkan nala joogin muddo dheer sababtoo ah waxaa nagu socda qarash aad u badan.Balse waxaan u oggolaanay qaar ka mid ah qaraabada inay sii wadaan u tacsiyaynta hooyadeen sababtoo ah aad ayay daciif tahay” Sidaas waxaa yiri Jarles Anguzu oo ay ilmo habreed yihiin sarkaalka dhintay.
Guddi loo saaray in ay wax ka agaasimaan xabaasha ayaanan wax shaqa ah haynin sababo la xiriira xog la'aan ku saabsan xaaladda uu ku dhintay Nyororo.
Xog laga helay qaar ka mid ah askarta saaxibadiisa ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegeysa in Gaashaanle Nyororo uu isagu is toogtay si aysan dagaalyahanada Al-Shabaab nolosha ugu qabanin kadib markii saraakiishii isaga ka hooseysay lagu amray in ay goobta iskaga cararaan. Al-Shabaab waxay maxaabiis ahaan u qabsadeen in ka badan 12 askari sida laga soo xigtay ilo kala duwan.
Xaaladda la xiriirta dhimashada Nyororo, iyo xaqiijinta General Museveni ee fulaynimada ciidamada iyo khiyaanada dhacday, ayaa dareen murugo dheeri ah ku soo kordhisay qaraabada la ildaran khasaaraha nafeed ee laga hortegi karay.
Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada UPDF oo lagu kala magacaabo Oluka iyo Obbo, oo labadaba darajadoodu tahay Gaashaanle, ayaa xabsiga loo taxaabay waxayna sugayaan in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwad ku soo oogto.
Magaalada Aruura iyo guud ahaan Galbeedka Niil, dadka ayaa xusuusanaya Nyororo oo ay hooyadiis ugu baroordiiqday inuu ahaa nin adkaysi badan.
"Wiilkeyga waxa uu aqbalay in uu ka dagaalamo Soomaaliya, wuuna u dhega-nuglaan jiray madaxdiisa,” ayay tidhi hooyadiis. "Markii uu aadayay Soomaaliya, waxa uu yimid guriga bishii Febraayo halkaas oo aan ugu ducaynay, Ilaahayna uga barinay in uu ilaaliyo.”
Waxa uu ciidanka ku biiray isaga oo caruur ah sannadkii 1986-kii, oo ah sannadkii uu Museveni qabsaday talada dalka.
"Qof walba oo nool waa xaqiiqo inuu dhimanayo, waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in nala siiyo meydkiisa si aan ugu ag aasno aabbihiis iyo walaalihiis kale ee dhintay isaga hortiis, sababtoo ah way na dhibeysaa in aan nala soo ogeysiin geeridiisa. Soomaaliya waa meel halis ku ah in nin ciidan ah uu ka dagaallamo,” ayay tiri Nyororo hooyadeed oo 75 jir ah.
In kasta oo safaradiisu joogto ahaayeen sababo la xiriira hawlihiisa ciidan, Anguzu oo ay ilma habreed yihiin gaashaanlaha dhintay wuxuu sheegay in uu soo xiriirin jiray isla markaasna uu daryeeli jiray labadiisa xaas, lix carruur ah oo uu dhalay iyo 20 ilmood oo ay dhaleen walaalihiisii dhintay.
Dhimashadiisu waxay jartay silsiladii awooda siinaysay nolosha ilmihiisa iyo kuwii isaga ku tiirsanaa, waxayna baylah uga dhigtay mustaqbal majhuul ah.