Todobaadkii lasoo dhaafay, dagaalyahanada Al Shabaab ay weerar khasaara badan dhaliyay ku qaadeen saldhig ay milatariga Yugaandha ku leeyihiin Soomaaliya. Waxay sheegteen inay dileen 138 ka mid ah ciidamadeena, tiro intaa ka badana ay qafaasheen.
Ciidamada UPDF ilaa hada si rasmi ah uma shaacin tirada dhimashada askarta, dhaawaca iyo kuwa la la’yahay. Balse, si walba oo ay ahaato faahfaahinta masiibadani, tani waxay fariin u tahay in Yugaanda faraha kala baxdo dalkaas mashaqadu ka taagantahay.
Waxaan Soomaaliya joognay 16 sano, wayna adagtahay in la sheego wax weyn oo aan soo kordhinay si aan halkaas uga abuurno nidaam siyaasadeed oo deggan. Taaas badalkeeda, waxay u muuqataa in joogitaankayagu uu hakiyey imaanshiyaha koox siyaasadeed oo xoog badan oo awood u leh in ay dalka la wareegto lana dagaalanto maleeshiyo beeleedyada faraha badan. kooxdaan waa kooxda kaliya ee xaqiijin karta in si hufan loo maamulo Soomaaliya, qaranimadeediina dibna loo yagleelo.
Madaxweyne Yoweri Museveni iyo kuwa qorshayaasha la dejiyaba waxay aaminsanyihiin in haddii la helo lacag badan, abaabul wanaagsan , tababaro fiican, qalab ciidan oo horumarsan, musuqmaasuq xaddidan iyo feejignaan dheeri ah, ay ciidamada Yugaandha ka badbaadi karaan musiibadii ku habsatay usbuucii lasoo dhaafay oo kale. Aragtidaas waa dhalanteed iyo mala-awaal. Aduunka ma jiro ciidan ka badbaadi kara weerarada lama filaanka ah ee kaga imaanaya cadaw ku dagaalamaya wadankiisa muddo aad u dheer.
Museveni iyo kaartayahanadiisu waa inay wax ka bartaan wixii Maraykanku kala kulmay dagaalladii badna ee uu ka galay aduunka, laga soo billaabo Vietnam ilaa Afgaanistaan iyo Ciraaq, ama wixii ay Israa'iil kala kulantay Lubnaan. Dhammaan dagaaladaas waxay ku tusinayaan in militariga adduunka ugu sareeya ee ku hubaysan teknoolajiyada ugu fiican ee wax lagu socdo ay awoodi waayeen inay ka badbaadaan weeraro kadis ah oo uga yimid cadowgooda.
Si walba oo uu ciidanku tababar wanaagsan u leeyahay, niyadiisu u sareyso, loo maalgeliyo, loona qalabeeyo, hadana mar walba ciidan shisheeye oo xoog dal ku jooga khasaare ba’an ayuu la kulmaayaa. Ciidan shisheeye weligiis ma awoodi karo inuu si qota dheer u dhexgalo bulshada si uu uga soo uruuriyo xogaha sirdoon ee lagama maarmaanka ah si uu u xaqiijiyo bdbaadadiisa.
Sidoo kale kama xoroobi karaan eexda iyo cuqdada ay u qabaan bulshada ay xoogga ku haysaan. Cuqdadaasi waxay keeneysaa isfaham la'aan iyo kala shaki. Sidaas marka ay tahay, halista weerar lama filaan ah oo guulaysta ayaa mar walba imaan kara marba hadii aad sanado badan xoog ku haysato wadan shisheeye. Waxaa laga yaabaa inaad muddo dheer feejignaan ku jirto oo aadan la kulmin wax weerar ah, balse maleeshiyada wadanka iskaleh waxay u baahan yihiin inay fursad fiican ku helaan shanti sanaba halmar si ay kuugu soo kadiyaan weerar khasaare badan uu ka dhasho.
Yugaanda iyo cid walba oo ku lug leh arrimaha Soomaaliya waa in ay cashar ka bartaan duullaankii Mareykanka iyo NATO ee Afgaanistaan, oo socday 20 sano. Maraykanku waxa ay haystaan ciidanka ugu tababbaran, ugu habaysan , ugu qalabaysan, uguna hoggaaminta wanaagsan adduunka – waa sida ay ayagu sheegtaan. Waxay sheegeen inay $2.1 tiriliyan oo doollar ku bixiyeen inay "dib ugu dhisaan" Afgaanistaan; $800,000 waxay ku bixiyeen si loogu tababaro laguna qalabeeyo ciidamada Afqaanistaan oo gaaraya 300,000. Waxa iyaga ka soo horjeeday Taalibaan oo ka tababar hooseeysa, ka qalab yar, kana dhaqaale iyo hogaamin liidata, sidaas ayaa nalaga dhaaciyay. Balse 20 sano ka dib, Mareykanka ayaa isaga baxay Afgaanistaan, waxayna uga tageen Daliban si ay xukunka wadanka u qabsato iyagoo markii horena u yimid inay xukunka ka tuuraan.
Ciidamada Yugaandha ee UPDF way diri kartaan ciidamo badan, qalab badan waxayna sare u qaadi kartaa feejignaanta. Waxay xitaa heli kartaa tignoolajiyada ugu horumarsan aduunka si loola socdo dhaqdhaqaada Al Shabab. Laakiin waligeed kama adkaan doonto Al Shabab xitaa 100-ka sano ee soo socota. Waa inaan iska daynaa xukunada ay reer galbeedku saarayaan Al Shabab sida urur argagixiso ah , xagjir Islaami ah ama mintidiin mayal-adag. Maraykanku wuxuu leeyahay ururo ku dhisan masiixiyada, mana jirto cid u diidaysa inay siyaada ka qayb qaataan iyadoo lagu faquuqayo masiixinimada. Markaan Al-Shabaab ku calaamadeyno argagixisanimo, waxaan luminay fursadii aan kula shaqeyn lahayn si dib loogu soo celiyo qaranimada Soomaaliya.
Qof ayaa ku doodaya in ururada Masiixiyiinta ah ee Maraykanku ay si nabad ah isku abaabulaan halka ay Al Shabab ay cunfi iyo xoog wax ku doonayaan. Marka hore, arintaas taariikhda ayaa beeninaysa. Tobannaan sano, dhaqdhaqaaqyada midigta fog ee xagjirka caddaanka ah waxay adeegsanayeen argagax si ay ujeedooyinkooda u gaaraan, waxay weerari jireen oo qarxin jireen Kaniisadaha dadka madoow iyo macaabidda yuhuuda, Mareykanku marna kuma tilmaamin inay yihiin Argagixiso, ma uusan maxkamadaynin mana ka saarin siyaasada. Fikradda ah in Islaamku yahay mid colaad iyo rabshado wata oo ay tahay in gebi ahaanba laga saaro siyaasadda waa borobagaando ay reer galbeedku soo hindiseen.
Dhaqdhaqaaqyada rabshadaha wata waa natiijo ka dhalatay gumaysiga, xalkeeduna waa in la soo afrajo gumaysigaas. Daalibaan sidaan oo kale ayaa loogu tilmaami jiray argagixiso balse Maraykanku qaladkii uu galay ayuu aqbalay faraha ayuuna ka qaaday si ay dalkooda ula wareegaan.
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo kaashanaya ciidamada Yugaandha ee UPDF ayaa sanado badan ku jiray tababaridda ciidan loo dhiso qaranka Soomaaliya. In ka badan toban sano ka dib, way yartahay natiijada kasoo baxday ee lagu faani karo. Taas beddelkeeda, inta badan ciidamadiii lagu soo tababaray Yugaanda si ay gundhib ugu noqdaan ciidamada Soomaaliya isla markiiba waa ay kala goosteen oo waxaa ay aadeen guryahooda, qabiiladooda iyo jifooyinkooda - ama waxayba ku biiraan Al Shabab. Halkaas waxaa kaaga soo baxaysa inaan tababaraynay oon hubaynaynay isla cadawgii aan la dagaalamaynay. Xataa kuwii aan tababarnay ee aanan ka goosanin ciidanku waa ay ku fashilmeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.
Waxaa dhacday in guuto ciidan ah oo si wanaagsan u tababaran, u qalabeysan oo mushaar fiican qaata kana kooban 736 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay kala cayriyaan 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo aanan si fiican u hubaysnayn, tababar fiican qabin, wax mishaar ahna aanan la siinin.
Ciidan kastaa waxaa uu u baahan yahay inuu helo sabab uu ku dagaalamo. Al Shabab sababtaas waa ay leeyihiin. Ciidanka qaranku malaha wax sasbab ah oo ay u dagaalamaan, waana halkaas arinta lagu kala duwanyahay.
Wadamada reer galbeedku waxa ay Soomaaliya ka rabaan oo ah dimoqraadiyad Libaraali ah, saxaafad madax banaan, doorashooyin ay ka qaybgalaan xisbiyo kala duwan iyo bulsho rayid ah oo firfircoon waa arimo khiyaali ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam. Waxay aniga iila muuqataa in Al Shabab oo kaliya ay awood u leeyihiin inay xaqiijiyaan arintaas. Sidaa darteed waa in aan ka baxnaa Soomaaliya oo aan Al-Shabaab u ogolaanaa in ay wadanka la wareegto sidii Mareykankuba uu yeelay oo uu Dalibanka ugu wareejiyay Afgaanistaan.