FAAH-FAAHIN: Qarax culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya ee gobolka Lamu.

Wednesday June 18, 2025 - 15:12:08
Liibaan Jeexoow
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ay ku beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah.
Weerarkan ayaa dhacay xilli ciidamada Kenya iyagoo sahay-doon ah ay ka baxeen deggaanka Buurta Koomoole kuna sii jeedeen magaalada Kiyuunga ee gobolka Laamu.

Kolonyada ciidamada Kenya ayaa la qarxiyey iyagoo maraaya agagaarka Buurta Jaajaaley oo u dhow xuduud-beenaadka Somaliya iyo Kenya.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 3 askari oo Kenyaan ah, halka 3 kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ku basbeelay gaari Kooyal ah oo qaraxu haleelay, kaas oo uu saarnaa qori dhashiike ah.

Sidoo kale gaarigii uu qaraxu haleelay oo noociisu ahaa Kooyal iyo weliba qori dhashiike ah oo saarnaa ayaa goobtaasi ku basbeelay.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences