Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa marba marka ka dambaysa sii xoojinaysa damaceedii ahaa sidii ay marin-badeed uga xayuubsan lahayd xeebaha dalka Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale shaaca ka qaaday in dalkiisu uu kordhin doono dedaallada uu ku raadinayo marin-badeed, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka EBC oo ku hadla afka dowladda.
Abiy Axmed ayaa ka dhawaajiyey inuu aad uga xun yahay in Itoobiya ay Bad la’aan tahay muddo ku siman, Soddon sano iyo dheeraad, gaar ahaan tan iyo wixii ka dambeeyey markii Eretriya ay ka go’day loona aqoonsaday dal madax-bannaan.
Waxa uu Abiy sheegay in muddadaasi Itoobiya Bad la’aanta ahayd ay soo wajahday caqabado baaxad leh oo la xiriira dhinaca dhaqaalaha iyo weliba saadka. Waxaanu dulmi iyo cadaalad-darro ku sifeeyey sababta uu dalkiisu Bad la’aanta u noqday waxaana hadalladiisii ka mid ahaa "Dulmi muuqda ayaa lagula kacay Itoobiya, waana in si degdeg ah wax looga qabtaa,”
Mar kale ayuu Abiy Axmed carabka ku adkeeyey mowqifka Itoobiya ee ah sidii ay ku heli lahayd Marin-badeed, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay dedaal dheeraad ah ku bixin doonaan raadinta marin u furan Badda Cas. Waxaanu yiri isagoo arrimahan ka hadlaya "Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho marin badeed, himiladeennu waa mid sharci ah, caddaaladna ku dhisan.”
Damaca Itoobiya waxaa ku barbar taagan, dawlado ay ka mid yihiin kuwa reer-galbeedka sida Maraykanka, Faransiiska iyo weliba maamulka Yahuudd ee gummaadka iyo xasuuqqa joogtada ah ku haya muslimiinta reer Falasdiin.
Safiirka Mareykanka ee Itoobiya ayaa wakaaladda wararka Itoobiya u sheegay in Mareykanku uu si buuxda u taageersan yahay dedaallada Itoobiya ee ku aaddan sidii ay marin badeed rasmi ah u heli lahayd, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah dalkaasi.
Dhawaaqyadan cusub ee kasoo yeeraya dowladda Xabashida Itoobiya ayaa muujinaya sida ay u laba-jibbaartay damaceedii gurracnaa ee ay ku rabtay inay xoog ama xeelad mid uun ku xayuubsan doonto xeeabaha Soomaaliya, tallaabadaas oo dardar xooggan ay gelisay tan iyo wixii ka dambeeyey heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la gashay maamulka gooni-goosadka Somaliland.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: