Wararka ay tebinayso saxaafadda Suudaan ayaa sheegaya in inkabadan 100 xabaalo wadareed laga helay caasimadda dalkaas ee Khartuum kuwaasi oo ay ku jiraan dad siyaabo kala duwan loo dhibaateeyay.
Falkan foosha xun ayaa Xukuumadda Suudaan waxa ay ku eedaysay fallaagada RSF oo dagaal kula jirta Dowladda Suudaan.
Colaadda Sudan oo bilaabantey 15 April isla markaana socota dhowr iyo toban bilood ayaa ka tagtey ilaa 20,000 oo dhimasho ah halka hay’adaha qaar gaarsiinayaan in ka badan 100,000.
Ilo wareedyo caafimaad baa tibaaxaya in bilihii ugu dambeeyay ay ilaa 3000 oo qof u geeryoodaan sababo la xiriira cudurro.
Xukuumadda Suudaan oo la wareegtay magaalada caasimadda ah dhawaan ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonaan xabaalo wadareedyada.
Colaadda Suudaan ee aan wali soo afjarmin waxay sababtey dhimashada kumannaan qof iyo malaayiin kale oo ku barakacey gudaha ama waddamada jaarka la ah Suudaan.