Malaayiin Xujey ah oo saaka u jihaystay macsharka Mina.

Wednesday June 04, 2025 - 12:14:42
Liibaan Jeexoow
Malaayiin duyuufurraxmaan ah oo sanadkaan gudanaysa acmaasha xajka ayaa subaxnimadii hore ee saaka u jahaystay mashcarka Mina si ay ugutaan acmaasha ugu horaysa xajka maadaama maanta ay tahay maalinka yawmu tarwiyah.
Mashcarka Mina ayaa dhaca inta udhaxaysa magaalada Makkah iyo mashcarka Muzdalifah, wuxuuna masjidka xurmadaleh ujiraa ilaa 7 kiilo mitir isaga oo dhaca labo buur dhaxdooda.

Salaadaha Duhurka, Caskarka Maqribka, ceshaha iyo salaada subax ayeey ku tukan doonaan, mina iyaga oo gaabin doonna, halkaas ayeeyna caawa ku baryi doonaan.

Kadib waxa ay ujihaysanayaan banka carafo halkaas oo ay ku gudan doonaan rukniga ugu weyn ee xajka, carafa ayaana Makkah waxay ujirtaa 12 kiilo mitir.

Bari galab ayeey ujihaysan doonaan malaayiin duyuufu raxmaanka Muzdalifa kahor inta aysan qoraxdu dhicin.

Sida ay sheegtay dowlada Sucuudiga sanadkaan waxaa soo xajinaya ilaa labo milyan iyo bar xujey ah oo ay isaga kala yimid daafaha caalamka, waxa kulmiyana ay yihiin hal rabi, hal diin iyo hal nabi

Xajka ayaa ah runiga shanaad ee arkaanta ay diinta islaamka ku taagantahay, waxaana fariidadaani muslimiinta ay gutaaan sanadkasta xiligaan oo kale bisha Dulxaj.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences