Wararka ka imanaya gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya dad rayid ah oo diyaaradaha Maraykanku ay ku beegsadeen duleedka Boosaaso.
Ilo-wareedyo aanu ka helnay ayaa sheegaya in 2 qof oo shacab ah lagu dilay, labo kalena lagu dhaawacay duqayn diyaaradeed oo Maraykanku ku beegsaday iyagoo ku sugan deggaanka Fadhi-same oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Boosaaso.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in labada qof ee dhintay ay ahaayeen xijiyeysato, kuwaasoo diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen xilli ay ku mashquulsanaayeen gurashada xabagta Beeyada iyo Maydiga.
Mid ka mida labada qof ee dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdiisu ay culus tahay, dhaawaciisuna uu garaab yahay.
Duqeymaha ay diyaaradaha Maraykanku ku beegsanayaan dadka shacabka ah ayaa si weyn ugu soo badanaya deggaannada, waxaana falalkaasi waxashnimada ah raalli ka ah kuna barbar taagan Maraykanka, maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland oo deggaannadaasi gacanta ku haya.