Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Hiiraan ayaa maantana dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyaadka Gurguurte.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte kadib markii lagu jabiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka deggaanka Ceel-hareeri.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 5 askari laga dilay maleeshiyaadkaasi, 18 kalena laga dhaawacay.
Sidoo kale dagaal isna jab xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayaa ka dhacay duleedka deggaanka Yasooman.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhimashada dagaalka Yasooman ee soo gaartay maleeshiyaadka Gurguurte ay tahay 1 askari, halka mid kalena uu dhaawacmay.
Shalay ayay ahayd markii ku dhawaad 30 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaal ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kula wareegeen Ceel-hareeri.
Deggaanka Ceel-hareeri ayaa ah mid deggan oo si buuxda ay gacanta ugu hayaan jihaadiyiinta Al-Shabaab, waxaana maalintii labaad ka babanaysa Raayada Tawxiidka.