FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo la wareegtay Ceel-hareeri iyo hawl-gal ka dhacay gudaha Baydhabo.

Wednesday June 04, 2025 - 12:32:27
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dagaal kula wareegeen deegaanka "Ceel-hareeri" oo dhaca duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Gacan-ku-dhigista deggaankan ayaa timi kadib markii xoogagga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen, cagtana mariyeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Ceel-hareeri.

Xogo horu-dhac ah ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa, 3 kalena lagu dhaawacay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalyahannada Al-Shabaab ay dagaalkaasi ku qabsadeen baabuur noociisu yahay Probox.
 
Ceel-hareeri ayaa ah deggaan istaraatiijiya, waxaanu qiyaastii 35 KM u jiraa degmada Moqori, halka deggaanka Tardo uu u jiro 25 KM, degmada Buulaburdana 60 KM.

Maleeshiyaadka Gurguurte oo deggaankaasi ku lahaa saldhig weyn ayay wararku tibaaxayaan inay u kala firxadeen dhinaca Buulaburde iyo Moqokori.

Xaaladda deggaanka ayaa haatan, deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya isla markaana Raayada Tawxiidka ka taagay Jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Geesta kale qarax ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha Baydhabo ayaa lala eegtay guri ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo maleeshiyad ka tirsan maamulka la baxay Koonfur Galbeed.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan oo gaaray xubnihii halkaasi lagu weeraray, walow aanaan ka helin faahfaahin dheeriya.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences