Axmad Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga kooxda Villa Somaliya ayaa ka hadlay qabsashadii dagaalyahannada Al-Shabaab ee degaanka Xawaadleey iyo ka bixitaankii maleeshiyaadka iyo ciidamada Afrikaanta.
Wuxuu sheegay in qabsashada Xawaadleey aysan u joogi karin magaalada Muqdisho ama gobolka Banaadir, waxaana hadalladiisa laga dheehanayay baqdin fara badan oo uu ka qabo inuu dagaalku usoo wareego degmooyinka Xamar.
Wuxuu tilmaamay ineysan degmooyinka gobolka Banaadir sida Kaaraan, Kaxda iyo Dayniile ka difaacan karin caasimadda Muqdisho.
La wareegtistii xoogagga Al-Shabaab ee deggaanka Xawaadleey ee gobolka Sh/Dhexe ayaa fajac iyo lama filaan ku ridday kooxda Gurguurte, maadaama saameynta ka dhalatay ay ka dareemayaan xafiisyadooda.