Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay saaka madaafiic ku garaaceen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Xeradan oo ah taliska ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha kusoo duullay dalka, ayay wararku tibaaxayaan in madaafiicdu ay ku hoobatay gudaha xaruntan.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala isla gobolka Banaadir waxay hawl-gal qarax ah ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayay wararku tibaaxayaan in lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Sida ay tibaaxayaan xogaha kasoo baxaya weerarkaasi ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka ayaa la dhaawacay.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in burbur xooggani uu gaaray gurigii lagu weeraray maleeshiyaadkaasi, iyo mooto goobtaasi u taallay.
Geesta kale, waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday dagaalkii shalay ay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen deggaanka Ceel-hareeri ee duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, 19 kalena lagu dhaawacay.
Magacyada qaar ka mida askartii lagu laayay dagaalkaasi oo aanu soo helnay ayaa waxaa ka mida Cabdi Xuseen Kumi oo ahaa sarkaal iyo Muuse Boolow Guure.
Sidoo kale waxaanu helnay magacyada qaar ka mida askartii lagu dhaawacay dagaalkaasi waxaana ka mida Daahir Maxamed Sabriye Iley, Cabdullaahi Xuseen Bool, Muumin Yuusuf Afraxow.
Waxa kale oo ka mida askarta dhaawacantay Cusmaan Sabriye Xareed oo ahaa sarkaal, Ciise Muxumed Saraawe (Ciise Beerlaab), Cabdi Cabdullaahi Toosane.
Sidoo kale weerarkaasi waxay dagaalyahannada Al-Shabaab ku qabsadeen gaari Probox ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadkii laga cayriyey deggaankaasi oo Raayada Tawxiidku ay ka babanayso maalintii labaad.
Maalinimadii shalay waxaa sidoo kale dhacay weerary ay jihaadiyiintu ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye kuna khaarajiyeen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte.
Askarigan la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maslax Cabdicasiis Cabdullaahi, waxaana Mooto uu watay la wareegay dagaalyahannadii Al-Shabaab ee fuliyey hawl-galkaasi.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: