Xilli ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay dilalka ka dhanka ah siyaasiyiinta ay kusii kordhiyaan magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen siyaasi horay ugasoo mid noqday xildhibaanada baarlamaanka Kenya.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in rag hubeysan ay xalay saqdii dhexe u dhaceen guri uu magaalada Syokimau ka degganaa xildhibaan Philip Goadne.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ay furayeen kooxaha weerarka geystay,haweenayda uu qabay xildhibaanka ladilay ayaa warbaahinta u sheegtay in ragga dilka geystay aysan qaadan lacago guriga yeelay waxayna u muuqdeen kuwa doonayay oo kaliya dilka Philip Goadne.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad ka careysan dilka Ex.xildhibaan Philip Goadne ay iskusoo baxyo ka dhigeen deegaanka Syokimau waxayna xukuumadda Kenya ka codsadeen in ay gacanta kusoo kusoo dhigto kooxihii dilka geystay.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii rag hubeysan ay bartamaha magaalada Nairobi ku dileen xildhibaan baarlamaan iyo 4 askari oo ilaala u aheyd.
Ammaanka Kenya ayaa faraha ka baxay tan wixii ka dambeeyay October 2011 xilligaasi oo ciidanka Kenya ay duullaan gardarra ah kusoo qaadeen Soomaaliya.