Weerarro khasaare ba'an geystay oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo ka mida gobollada dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.
Weerar madaafiic ah ayaa lagu soo warramayaa in xoogagga Al-Shabaab ay saaka kula jarmaadeen xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee Hiil-weyne oo dhacda duleedka degmada Balcad.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in duqayntaasi lagu dilay ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye Urur oo lagu magacaabi jiray Cumar Yare iyo tababare magaciisa lagu soo gaabshey Ilka-case, halka 42 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay saaka madaafiic ku garaaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee shisheeyahu ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Sida ay wararku tibaaxayaan madaafiicda ayaa ku hoobatay gudaha xeradan Xalane oo ku taal magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare weli faahfaahintiisa aanaan helin.
Geesta kale, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay hawl-gal gaar ah ka fuliyey gudaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Xogta ayaa tibaaxaysa in hawl-galkan lagu khaarajiyey sarkaal ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Qaalib, kaas oo sawirkiisana aanu soo helnay.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa isna maanta ka dhacay weerar ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ay ka deggen yihiin deggaanka Lambar60.
Weerarkan ayaa warar horu-dhac ah oo laga helay ay sheegayaan in lagu dilay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan ciidamadii Ugandhiiska ahaa ee la weeraray.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay tiraba saddex jeer afka ciidda u dareen maleeshiyaadka Gurguurte oo maantana ay mar kale ku dagaallameen duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Khasaaraha maleeshiyaadka kooxa Villa Somaliya kasoo gaaray dagaalladaasi oo si xun loogu jabiyey ayaa lagu sheegay ugu yaraan 6 askari oo dhimasho ah iyo 14 kale oo dhaawaca.
Dagaalladan ayaa imanaya xilli maleeshiyaad ka badan 300 oo askar iyo saraakiil isugu jiraa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii dhacay horraantii usbuucan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: