SUDAN: 14 qof oo jabhadda RSF ku dishey waqooyiga Daarfuur.

Monday May 19, 2025 - 18:34:32
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in 14 qof oo shacab ah ay Jabhadda RSF ku dishay gobolka Daarfuur.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawacyo kale ay jiraan ka dib markii suuq lagu magacaabo Nevasha oo ku yaalla Xerada Qoxootiga Abu Shawk ay duqeysay fallaagadaasi.

Kaamka RSF duqeynta u geysatey ee Abu Shouk ayaa hore ula daalaa dhacayey adeegxumo dhanka caafimaadka ah, daawo la’aan iyo cunto xumo.

Xarunta Caafimaad ee Xerada Abu Shouk waxa ay soo saartey warbixin tibaaxaysa in ka dib madfac lala beegsaday duuqa Nevasha ee kaamka ay ku nafwaayeen 14 ruux halka dhaawacyo kalena ay jiraan.

Kooxda RSF ayaa lagu eedaynayaa in ay beegsadaan goobaha dadku ku badan yihiin sida suuqyada, masaajidda, guryaha iyo goobaha caafimaad.

Geesta kale waxa warbixinuhu sheegayaan in dadka ku sugan Kaamka Abu Shouk ay qoteen godad dhulka hoostiisa ah si ay uga nabad galaan duqeymaha aan loo aabo yeelayn ee ka imanaya RSF.

Jabhaddani waxa ay dooneysaa in ay si qasab ah uga saarto dadka deegamadaas ku nool guryahooga. RSF waxa caawimo iyo garab istaag siiya UAE oo ah dal carbeed oo inta badan ka shaqeeya dhibaataynta dalalka muslimka ah.

Dhawaan markii duqeymo daran loo geystay caasimadda Dowladda Suudaan ee Port Sudan waxa Suudaan ay xiriirka u jartey Immaaraatka Carabta.


Related Items

Update cookies preferences