Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya weerar dhabbo-gal ah oo galabnimadii shalay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka deggaanka Yasooman.
Hawl-galkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, waxaana jira khasaare kala duwan oo la gaarsiiyey.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka mid kalena nolosha lagu qabtay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in kamiinkaasi ay xoogagga Al-Shabaab kusoo furteen hal qori iyo weliba booshkiisii.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: