Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor'imaad khasaara xooggan dhaliyay uu dhaxmaray maleeshiyaad dabadhilifyo ah.
Sida ay sheegayaan warararka laga helayo bariga gobolka Hiiraan iska hor'imaad culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Moqakori,goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo bilaawday maanta barqadii uu udhaxeeyo maleeshiyaad daacad u ah Sanbaloolshe iyo kuwa kale oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Baakaay kaasi oo ah taliyaha ciidanka DF-ka ee gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan 1 askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay iska hor'imaaka halka 4 kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, dagaalka ayaa yimid kadib markii uu Baakaay weerar ku qaaday maleeshiyaad ku sugnaa Moqakori kuwaas oo diiday in ay wareejiyaan gaari uu ku rakibanyahay qoriga Zuuga oo uu lahaa Cabdiraxmaan Xujaale taliyihii guutada 26aad ee Al Shabaab bishii lasoo dhaafay ku duleen deegaanka Ceelhareeri.
Labada dhinac ayaa isku haya ciddii qaadan laheyd qoriga Zuugga ah, wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaanka Moqakori, maleeshiyaad ku heyb ah Sanbaloolshe iyo Yuusuf Dabageed ayaa ku hareeraysan guri ay ku suganyihiin Col.Baakaay iyo ciidamadiisa halkaas oo lagu hayo gaariga uu saarayanyahay qoriga Zuugga ah ee colaadda dhaliyay.
Saraakiil katirsan wasaaradda G/dhigga DF-ka oo diyaarad ku yimid Moqakori ayaa xusul duub ugu jira sidii xiisadda loo qaboojin lahaa balse Baakaay ayaa ku adkeysanaya in uu Beledweyne ukaxaysanayo gaariga uu saaranyahay qoriga Zuugga halka maleeshiyaadka kale ay diidanyihiin.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: