Dalalka ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya oo shuruud adag ku xiray sii socoshada hawl-galka AUSSOM.

Wednesday April 23, 2025 - 11:14:42
Liibaan Jeexoow
Shir lagu gorfeeyey sida looga gudbi karo caqabadaha ku hor-gudban hawl-galka AUSSOM oo ay isugu yimaaddeen saraakiil sar sare iyo diblomaasiyiin ka kala socotay dalalka ay ciidamadoodu duullaanka ku joogaan Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay ka qabsoomay magaallada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Ka qayb-galayaashii kulankan ayaa isla qaatay in hawl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado adag oo ay ka mid yihiin dhaqaalle la’aan baahsan. Waxaanay hoosta ka xariiqeen in hawl-galkankani uu fashilmi doono haddii aan loo helin xal deg-deg ah.

John Mugerwa, oo shirkaasi ku metelaayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, ayaa shaaca ka qaaday in sii socoshada howlgalka AUSSOM ay ku xiran tahay maal-gelin ku filan, oo dabooli karta dhammaan waxyaabaha loo baahan yahay.

Sidoo kale Mugerwa waxa uu sheegay in maal-gelintu ay noqoto mid la saadaalin karo oo la ogaan karo goorta ay imanayso, inta ay le’eg tahay, iyo weliba inay tahay mid sii socoshadeeda la hubo oo aan joogsanayn.

Danjiraha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in maal-gelintu ay ahaato mid lagu kalsoonaan karo oo waddamada dhaqaallaha bixinayaa ay yihiin dalal la hubo fulinta ballanqaadyadooda.

Kulankan oo miisaankiisu cuslaa ayaa ka-qaybgalayaashiisa waxaa ka mid ahaa safiirka Uganda ee Soomaaliya, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Uganda ee UPDF, horeyna u soo noqday taliyaha ATMIS, waxa kale oo madashaashi joogay Taliyaha Ciidanka AUSSOM, iyo wakiillo ka kala socday Djibouti, Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda.

Shuruudahan adag ee kasoo baxay kulanka Afrikaanta ayaa imanaya xilli maal-gelintooda uu hareeyey mugdi fara badan, isla markaana dowladda Mareykanku ay si cad u sheegtay in wax qarash ah aanay ku bixin doonin howlgalka AUSSOM, halka midawga Yurub-na uu shaaciyey in iyaguna mar dambe aanay keligood bixin doonin kharashaadka hawl-galkaasi.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

TELEGRAM

FACEBOOK

Related Items

Update cookies preferences