Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay qaraxyo ku weerareen kolonyo ciidamo Kenyaan ah.
Ciidamada Kenya ayaa la beegsaday xilli ay ka baxeen deggaanka Cumar Jilicow kuna sii jeedeen magaallada Mandheera oo ka wada tirsan dhulka ay xoogga ku haysato Kenya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxyadaasi ay burburiyeen baabuur Kooyal ah isla markaana ay waxyeello xooggan gaarsiiyeen gaari Mitsubish ah.
Xogta ayaa intaa ku daraysa in wax dhintay iyo wax dhaawacmay ay noqdeen askartii la socotay ay qaraxyadu haleeleen.
Diyaarad nooca qummaatiga u kaca ee la dhaho Helicopter-ta ayaa wararku tibaaxayaan in goobtaasi ay ka daabushay dhimashada iyo dhaawaca askarta Kenya.
Geesta kale Raayada Tawxiidka ayaa maalinkii Afraad ka babanaysa degmada Aadan Yabaal kadib markii gacan-ku-haynteeda ay la wareegeen xoogagga Al-Shabaab.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACBOOK