Faysal Cali Waraabe oo mar kale ku celiyay in Al-Shabaab qabsan doonto Soomaaliya.

Wednesday April 16, 2025 - 15:23:06
Liibaan Jeexoow
Siyaasiga caanka ah ee Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale sheegay in Xarakada Alshabaab ay ka wareegi doonto Soomaaliya bisha soo socota ee May ama June.
Faysal oo qoraal ku baahiyey bartiisa X ayaa yiri "Allahu Akbar, waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al-Shabaab oo la wareegta Soomaaliya. Sidii aan hore u sheegay bisha May ama ugu dambayn June”

Hadalka Faysal ayaa imanaya xillu dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen gacan-ku-haynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Saaka subixii hore ayaa lagu war helay weerar saddex jiho ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ay saldhigyada ku leeyihiin askarta DF Somaliya.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu qaadaa-dhigayaa qabsashada degmada Aadan Yabaal taas oo labadii sano ee ugu dambaysay ku jirtay gacanta DF Somaliya.

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa ahaa hoggaamiyihii Xisbigii UCID ee doorashadii maamulka la baxay Somaliland looga guuleystay, kaas oo in ka badan labaatan sano guddoomiye ka ahaa.

FG: Wixii warar iyo warbixinno ah waxa kaloo aad kala socon kartaan:


Related Items

Update cookies preferences