Xildhibaan shaaciyey in kooxda Villa Somaliya ay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab.

Monday April 14, 2025 - 15:12:46
Liibaan Jeexoow
Mid ka mida xildhibaannada kooxda Villa Soomaaliya ayaa ceeb iyo fashil ku tilmaamay safar uu R/Wasaraha Somaliya Xamse Cabdi Barre ku tagay magaallada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, xilli xoogagga Al-Shabaab ay kulaalayaan magaallada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan golaha BF Somaliya ayaa tilmaamay in kooxda Villa Somaliya ay ku fashilantay dagaalkii ay kula jireen Al-Shabaab isla markaana ay door bideen inay werwerka iyo walbahaarka isaga soo khafiifiyaan oo nafis ay ka raadiyaan meelo ka baxsan maamulkooda.

Xildhibaanka ayaa geesta kalena si adaga u cambaareeyey isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay xarig iyo caga-juglayn ay kooxda Gurguurte kula kacday xubno siyaasiyiin iyo suxufiyiin isugu jira, oo dhawaan xabsiyada loo taxaabay.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo weliba waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa muddooyinkan u dambeeyey si weyn uga qaylo-dhaaminaya horumarrada jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka wadaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

FG: Si aad u hesho warar iyo warbixinno hufan kusoo biir Channellada SOMALIMEMO:

Related Items

Update cookies preferences