Peter Pham: Xasan Sheekh ma wuxuu noo haystaa doqmo marka uu noo soo bandhigayo dekedaha aanu maamulin.

Saturday March 29, 2025 - 08:29:23
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Semafor ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacey warbixin saacadihii ugu dambeeyay qabsatey baraha bulshada taas oo lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka Mareykanka u soo bandhigey qaadashada dekedaha Gacanka Cadmeed taa beddelkeedana uu hakiyo aqoonsiga la sheegayo in Mareykanku siinayo Somaliland.
Warqad Xasan u direy 16-ka bishan aynu ku jirno ee March ayuu Xasan si liidata ugu codsadey in Mareykanku si bilaash ah kula wareego goobahan istaraatejiga ah taas oo keliya uu ku beddeshay in xiriirka labada dal lagu wanaajiyo loogana hortago go’itaanka Somaliland.

Wargeyska ayaa tibaaxay in goobahani aaney si toos ah gacanta ugu haynin Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Warbixintan uu baahiyey Wargeysku ayaanay weli ka jawaabin Dowladda Federaalku.

Dhanka kale waxa hadley ka hadlay warbixintan Ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Peter Pham kaas oo ka dhawaajiyey in aan Mareykanka la siri karin.

"Xasan Sheekh waxa uu u haystaa in Mareykanku doqmo yihiin heer uu gaarey in noo soo bandhigo dekedo aanu maamulin ee SL iyo PL” Pham.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo isna ka hadlay arrintan waxa uu sheegay in Soomaaliya quus ka taagan tahay hor istaagidda aqoonsiga Somaliland.

Xasan Sheekh waxa uu si cad uga soo horjeestay MoU-gii Somaliland ku bixnaysay qayb kamid ah dekedaha Soomaalida laakiin taas beddelkeeda waxa uu Abiy deked kamid ah dekedaha Soomaalida.

Markale waxa soo ifbaxdey dedaallada Mareykanku ku rabo in uu dego dekedaha Gacanka gaar ahaan Berbera balse waxyar ka dib waxa soo baxdey in Xasan Sheekh siiyey Mareykanka Dekedaha Gacanka Cadmeed ugu waaweyn.

Related Items

Update cookies preferences