Al-Shabaab oo Xasan Gurguurte ku weerartay gudaha magaallada Muqdisho.

Tuesday March 18, 2025 - 13:26:28
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay maanta qarax culus ku beegsadeen agagaarka madaxtooyada Villa Somaliya.
Qaraxan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada, xilli ay ka baxeen kolonyo gelbinayay Xasan Gurguurte oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha.

Taliska millateriga xarakada Al-Shabaab oo war-saxaafadeed horu-dhac ah soo saaray ayaa sheegay in hawl-gal gaar ah ay maanta ka fuliyeen magaallada Muqdisho.

Hawl-galkan ayaa la sheegay in lagu beegsaday Xasan Gurguurte, xilli isaga iyo kolonyo galbinaysay ay kasii baxayeen madaxtooyada Villa Somaliya.

Goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa laga soo sheegayaa khasaare xooggan, burbur xooggan oo lagu arkay goobtaasi iyo baabuur fara badan oo basbeeshay.

"Hawlgalkan ayaa ka dhacay goobtii loo qorsheeyay, una dhacay qaabkii loogu talagalay…” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu jiro khasaare xooggan oo gaaray kolonyadii Gurguurte iyo weliba mas’uuliyiintii la socotay.

Xarakadu waxay ballan-qaaday in ay faah-faahin dhamaystiran ay soo gudbin doonaan haddii Allaah uu ogolaado.

Wixii warar deg-deg ah kala soco channel-ka Telegramka ee https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0

Related Items

Update cookies preferences