Xasan Sheekh oo u cararey Turkiga xilli dalkaas ka jirto xasarad siyaasadeed.

Thursday March 27, 2025 - 14:13:57
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Turkiga halkaas oo uu ka raadsanayo taageero dhanka ciidanka ah.
Xasan Gurguurte iyo kooxdiisa ayaa shaley laga qabsadey ciidankiisa goob u jirta 24KM oo uu madaxweynuhu ku sugnaa.

Xoogagga Alshabaab ayaa la wareegay deggaanka Masaajid Cali Guduud oo ahayd meel istaraatiji ah isla markaana kal hore ay maleeshiyaadka Gurguurte qabsadeen.

Soo rogaal-celinta ururka Alshabaab ayaa keentay walaac xooggan taas oo dhalisay in Xasan Sheekh si halhaleel ah uu ku aado caasimadda Ankara.

Turkiga ayaa dhankiisa waxa ka jira xasarad siyaasadeed ka dib markii Erdogan uu xabsiga u taxaabey Maayirkii hore ee Istanbuul Ekrem Imaam Ooglo oo ah ninka ugu cadcad mucaaridka Turkiga.

Kumannaan dibed-baxayaal ka careysan xarigga Imamoglo ayaa isugu soo baxay dariiqyada kuwaas oo dalbanaya in la sii daayo siyaasigan.

Iska hor imaadyo ka dhexdhacay Ciidanka Booliska iyo mudaharaadayaasha ayaa sababey in xabsiga loo taxaabey tiro dad bannaanbaxayaashii ah.

Si kastaba ha ahaatee Xasan ayaa u muuqda mid looga adkaadey dagaalkii Gobollada Dhexe ee Soomaaliya isla markaana loogu yimid Iridda hore ee Magaallada Muqdisho.


Related Items

Update cookies preferences