Maleeshiyada Fano ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen hawl-gallo hor leh oo ay ku beegsanayaan xerooyin ay ciidanka difaaca ee Xabashida Itoobiya ku leeyihiin guud ahaan gobolka Axmaarada.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare baaxad leh oo ciidanka dawladda lagu gaarsiiyey waqooyia Gonder iyo deggaannada Gojjam, sida ay shaacisay Jabhadda Fano.
Xaddiga khasaaraha lama sheegin, iyadoo warar lagu baahiyey baraha bulshaduna ay tibaaxayaan in ay xiran tahay waddada isku xirta magaallooyinka Bahir Dar iyo Gondar.
Ciidamada dowladda ayaa dhankooda sheegtay inay dileen hor-joogeyaal Fano ah oo ku sugnaa deegaanka Antsokia Gemza ee gobolkaasi.
Horjoogahan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abraham Assefa Bekele oo ahaa sarkaalka xiriirka dadweynaha ee ciidamada Fano ee deggaanka.
Isgaadhsiinta qaybo ka mid ah gobolka Axmaarada ayaa ah mid xaddidan, taas oo adkaynaysa in si madax banaan loo xaqiijiyo inta uu le'eg yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Geesta kale, in ka badan 56 qof ayaa lagu soo warramayaa in la afduubtay kadib markii kooxo hubaysani ay weerareen Bas ka yimid magaallada Addis Ababa kuna sii jeeday magaallada Debre Markos ee degmada Dege mee gobolka Shewa ee gobolka Oromada.
Falkan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaallada Cali-dooro, sida uu warbaahinta u sheegay goob-jooge codsaday in magaciisa la qariyo.
Shaqaale ka tirsan shirkadda basaska ee Felege Ghion ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka lala beegsaday Bas ka yimid Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Debre Markos.
Wuxuuna intaa raaciyey in uu maqlay in dirawalkii gaariga la toogtay, dad badan oo rakaab ah oo uu ku jiro kaaliyaha darawalkana la afduubtay.
Kooxda weerarka geysatay ayaa lagu soo warramayaa in dadkii ay afduubteen ee rakaabka ahaa ay u kaxaysteen meel aan la garanayn.
"Waxaan ku dhawaanay baska, oo aanu daba soconay, waxaan wadnay shixnad culus, markii ay xabbaddu billaabatay, ayaan istaagnay,…” Sidaas waxaa yiri goob-jooge watay gaari xamuul ah.
Ninkan dirawalka ah ayaa sidoo kale sheegay in rasaasta kadib ay kooxaha hubeysan dagaal la galeen ciidamada amaanka gobolka.
Goob-jooge kale, oo isna codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo ammaan dartood, ayaa carabaabay in Baska laga toogtay taayirrada, kadibna uu istaagay.
Rakaabkii ayuu sheegay in la garaacay, si qasab ahna looga dejiyey baabuurka, isla markaana loo kaxaystay meel aan la aqoonsan.
Goob-joogahana waxa kale oo intaa uu ku daray in dablaydu ay lahaayeen timo waaweyn oo uu aaminsan yahay inay xubno ka yihiin jabhadda oromada ee OLF-Shene.
Falalka afduubyada ayaa aad ugu soo badanaya deggaannada, iyadoo mas'uuliyiinta qaar sabab uga dhigeen dagaalka socda ee u dhexeeya ciidanka dawladda iyo jabhadda xoraynta Oromada.
FG: Wixii warar deg-deg ah kala soco Channel Telegramkayaga: https://t.me/+JsfHnGFcpIBkNDc0