AL-Shabaab oo goor dhow la wareegtay xero ay deggenaayeen maleeshiyaadka Gurguurte.

Sunday March 23, 2025 - 16:55:12
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen xero ciidan oo ku taal deggaan u dhaxeeya Balcad iyo deggaanka Qalimow.
Maleeshiyaadkii Gurguurte ee xeradaasi deggenaa ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi isaga firxadeen, kadib markii ay ka war-heleen guluf xooggan oo Al-Shabaab ah oo kusoo maqan.

Xeradan oo la yiraa "ILBAQ" ayaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka babanaayo calanka Tawxiidka ee Xarakada Al-Shabaab.

Geesta kale waxaa faahfaahin dheeriya laga helay cag-marintii ay xoogagga Al-Shabaab ku sameeyeen xero ay maleeshiyaadka Soomaalida ee kaba-qaadka u ah Kenya ku leeyihiin deggaanka Biyo-madoobe oo hoos-taga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in jihaadiyiintu ay si buuxda ula wareegeen xeradaasi, isla markaana ay dileen ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi, waxaanay weerarkaasi kusoo furteen 4 qori oo AK47 ah iyo Qori RPG ah.

Si aad u hesho wararka degdegga ah kusoo biir Channel-kayagana cusub: https://t.me/+fgpQcPdzzy4wZDQ0

Related Items

Update cookies preferences