Inta la hubo shan qof oo Kenyaan ah ayaa dhimatay kadib markii diyaarad nooceedu lagu sheegay DHC-5D Buffalo ay ku burburtay deggaanka Jaziira, gaar ahaan meel qiyaastii 24 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho fiidnimadii xalay.
Diyaaradda oo ay oo asal ahan lagu sameeyay y dalka canada ayna leedahay shirkadda lagu magacaabo Trident Aviation Ltd oo ah shirkad laga leeyahay dalka kenya, ayaa kasoo duushay Garoonka Dhoobley waxaanay kusii jeedday Garoonka diyaardaha ee magaalada Mogdisho.
Sida ay muujinayaan baaritaano la sameeyay diyaaradan DHC-5D Buffalo waa diyaarad militari oo loogu talo-galay qaadista xamuulka, waxaana asalkeedii naqshadaysay shirkadd lagu magacaabo de Havilland oo laga leeyahay dalka Kanada.
Baaritaanada ayaan sidoo kale ku lagu ogaaday in diyaaraddan loo adeegsado hawl-gallada militariga, iyadoo si weyn loogu isticmaalo qaadista aqabka ciidamada, rarista ciidamada, walow ilaa hadda aan la xaqiijin wixii ay sidday xilligii ay burbureysay.
FG: Si aad u hesho wararka degdegga ah kusoo biir Channel-kayagana cusub: https://t.me/+fgpQcPdzzy4wZDQ0