Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka weerar dhabbo-gal ah u dhigay maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gurguurte oo maraayay deggaanka Hareeri Caadle ee duleedka Muqdisho.
Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in uu jiro khasaare soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte, iyadoo goobta dagaalkana lagu arkay maydad ay kaga carareen.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in tirade askarta maleeshiyaadka la laayay ay gaareyso ugu yaraan 5 askari, halka 9 kalena laga dhaawacay.
Waxa kale oo jira hub ay weerarkaasi kusoo furteen xoogagga Al-Shabaab oo kala ah laba qori oo PKM ah, iyo qori RPG ah, iyo dhowr qori oo AK47 ah.
Wixii warar ah ee deg-deg ah kala soco channel-ka Telegramka ee https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0